Baarlamaanka Puntland:- “Baroortu orgiga ka wayn”!

Baarlaamanka Puntland, ansixintii DP World

Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa mooshin ka keenay shirkada DP World oo sanadkii hore lagu wareejiyay maamulka dekadda magaalada Boosaaso.

Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa sheegay in shirkadda DP World ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Puntland, maadaama aysan wax shaqo ah ka qaban dekadda Boosaaso muddo labo sano ah, waxayna ugu baaqeen in ay si deg deg ah uga baxdo dekadda.

Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay 18 ayaa sheegay in mooshinka ay ka keeneen shirkada DP World u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in uu ka qabtay.

Heshiiskii Puntland iyo  DP World

Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo dekadda magaalada Boasaaso.

Heshiiskaas waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu usaxiixay maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Lacagta lagu maalgalinayo mashruucan ayaa lagu sheegay in ay  dhan tahay $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo sodon iyo lix milyan), iyadoo shirkadda DP World ay wajiga kowaad ee mashruucan ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo doolar.

Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayay in dhismaha dekadda lagu dhamays tiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaamaysa maalinta heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku bixisay laaluush ay siisay baarlamaanka hadda mooshinka keenay, kadib markii ay rideen Golihii wasiirada sanadkii hore.

Ansixintii Baarlamaanka heshiiskii DP World

Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 kal-fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska shirgadda DP World iyo Puntland, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage, 56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa maalintaas cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso.

DP World iyo la wareegidii Dekadda

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka goboka Bari, nabadoono iyo waxgaradka gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadda.

Intaas kadib ganacsatada wax kala soo dega dekadda Boosaaso ayaa muran ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas.

Muddo isqab-qabsi ah kadib waxaa murankaas soo dhexgalay qaar kamid ah issimadda Puntland oo ka soo saarey go’aamo lagu dhexdhexaadiyay labada dhinac, waxaana ilaa xiligaas dekadda ka shaqeynayay go’aamadii issimadda.

DP World ilaa xiligii ay heshiiska la gashay Puntland wax shaqo ah kama aysan qaban dekadda, waxaana loo aanaynayaa isqab-qabnsiga dowladda iyo ganacsatada oo saameeyay heshiiska.

Muxuu yahay qorshaha Baarlamaanka Puntland?

Baaralamaanka Puntland ee hadda oo mudadii uu jiray lagu bartay la xisaabtan la’aan iyo laaluush qaadasho ayaa la aaminsan yahay in ay wadaan dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn kuna raadinayaan dhaqaale.

Waxaana sawirka laga bixin karo mooshinka ay baarlamanka Puntland hadda ka keeneen shirkadda DP World uu yahay “Baroortu orgiga ka wayn” uuna lamid yahay kii ay sanadkii hore ku direen Golihii xukuumadda.

Baarlamaanka Puntland ee hadda jira oo muddo xiliyeedkiisii ay ka dhiman tahay wax ka yar labo bilood ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay kii ugu xusuusta xumaa tan iyo asaaskii Puntland.

PUNTLAND POST