Daawo Banaanbax looga soo horjeedo Xirnaanshaha Dekada oo ka dhacay Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maanta ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Bosaso. Mudaharaadka ayaa ka dhashay kadib markii muddo toddobaad ka badan ay xiran tahay Dekada Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland.

Dadka mudaahraadayay oo u badnaa xaamalatada Dekada Bosaso iyo ganacsatadii jeeblayaasha ahaa ee magaalada Bosaso ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee soo gala Dekada waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay  waa in si deg deg ah loo furaa Dekada Bosaso, dooni meeyno Shirkadda DP World iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada ka taagan xirnaanshaha Dakeda.

Dhinaca kale Warbaahinta Puntland Post oo la xiriirtay isbitaalka guud ee Bosaso waxa ay noo xaqiijiyeen in la soo garsiiyey sadex qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay rideen ciidamada dawalada, kadibna uu markii danbe uu geeryoodaya mid ka mid aha sadexdii qof.

Xaalada guud ee magaalada Bosaso ayaa aad u kacsan waxana jira shirar u socda dawlada iyo ganacasatada sida uu xogta ku helayso warbaahinta Puntland Post

Daawo Muuqaalka Mudaharaadka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso