Maxay ka wada hadleen madaxweyne Deni iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tagay xarunta taliska 54-aad, isaga oo halkaas kulan kula qaatay taliyaha ciidanka daraawiishta Gen. Aadan Cabdi Xaashi iyo saraakiil kale.

Kulanka waxaa looga hadlay howlgallada la dagaalanka argagixisada ee Calmiskaad iyo Calmadow, la dagaalanka burcad-badeeda iyo sugida amniga guud ee badda & berriga deegaannada Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka waxaa lagu xusay in dowladda Puntland sida dhow ula socoto isbedelada amni ee ka soo kordhay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Kulankan wuxuu ku yimid, xilli maalmihii la soo dhaafay ay dowladda federaalka Soomaaliya ciidamo ka qortay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, kaddib markii uu halkaas tagay Col. Cabdiraxmaan Cawad Baalcade oo dhawaan loo magacaabay taliyaha qaybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka.

PUNTLAND POST