
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay muddo sanado ah faragelin ku haysay arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda Imaaraadka ay maamullada Puntland, Jubaland iyo Somaliland la gashay heshiisyo la xiriira dekedaha Boosaaso, Kismaayo iyo Berbera, kuwaas oo aan laga tashan dowladda federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu tilaamay in Imaaraadku uu gudaha Soomaaliya ka dhisay saldhigyo iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga qaranka, isaga oo aan ogolaansho ka haysan dowladda federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Imaaraadka in uu qaar ka mid ah dowlad goboleedyada siiyay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, si ay uga horyimaadaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in ay ka qaybqaateen aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland iyo in ay dhiirigeliyaan khilaafaadka siyaasadda & kala qaybsanaanta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay in ay wada hadlaan Imaaraadka, si looga wada hadlo faragelinta uu sheegay in dalkaas ku hayo Soomaaliya.
PUNTLAND POST