DAAWO Baarlamanka oo cod aqlabiyad leh ku riday Gollaha Wasiirada Puntland

44 Mudane oo ka tirsan Gollaha Baarlamanka Puntland ayaa cod gacan taag ah xasaanada ugala noqday Gollaha Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka dib markii ay isku raaceen 44 Mudane in xasaanada lagala noqdo Wasiirada halka ay ka aamuseen 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka, Waxaana diiday 1 Mudane oo ka tirsan baarlamanka .

Talaabadan oo noqonaysa markii ugu horeysay taariikhda oo ay ka dhacdo Puntland ayay ku sheegeen qaar ka mid ah Gollaha Baarlamanka  oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST in loo cuskaday ka dib markey ku warbixiyeen Guddiyadda Baarlamanka sida sida Guddiga Amniga, Guddiga Maaliyadda, Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Guddiyadda kale inaysan jirin Xukuumad shaqeysay 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Dastuurka Puntland qodobka 76aad ayaa qaba muddo 21 beri ah inuu Madaxweynaha Puntland fursad u haysto inuu kusoo magacaabo Xukuumad cusub.

Daawo go,aanka Baarlamanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.