Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey heshiisyadii Shirgadaha DP World iyo CCECC

Baarlamaanka Puntland oo wali kugudo jira Kal fadhigoodii 39-aad ayaa maanta oo Khamiisa waxay ansixiyeen heshiiskii Shirgadda DP World ay ku dhisayso Dekeda Bosaso iyo Shirkadda CCECC oo iyana dhisaysa wadadda Eyl iyo Garoonka Gaalkacto, 60 Mudane ayaa soo xaadiray Kooramkii Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ka dooday heshiisyadaas waxayna su’aalo ku aadan heshiisyada iyo qaabka loo wajahayo ay weydiiyeen sii hayaha xilka wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Macdanta, masuuliyiinta ayaana ka jawaabay su’aalaha la weydiiyey.

56 Mudane ayaa cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ballaarinaysa Dekada magaaalada Bosaso .

Dhanka kale baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey heshiiska Shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka China taasi oo dhisaysa wadadda Garowe iyo Eyl iyo Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

46 Mudane ayaa codka siiyey in la ansixiyo, waxaana joogay 56 Mudane oo ka tirsan 66 mudane ee Baarlamaanka Puntland.

Daawo Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka.

Hassan Bashe

PUNTLAND POST.