Munasabad lagu wareejinayo Dekada Bosaso oo hada ka socota gudaha Dekada

-Bosaso[Puntland Post] Munasabad lagu wareejinayo Dekadda Boosaaso ayaa hada ka socota gudaha Dekadda magaalada Boosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland, Nabdoon iyo Masuuliyiin ka socda shirkada la wareegaysa Dekada Boosaaso ee DP WORLD ee Dalka Imaaraadka ayaa fadhiya munasabada lagu wareejinayo Dekadda Boosaaso.

Warar Puntland Post ay helaysana waxa ay sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goordhaw lagu wado in uu ka soo dago Garoonka Diyaradaha Boosaaso in ka soo qeybgalo munasabada wareejinta Dekadda Boosaaso.

Amaanka Dekadda ayaa aad loo adkeeyey waxana gudaha iyo banaanka Dekadda aad ku arkaysaa ciidamo kala duwan oo sugaya Amaanka Dekadda Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u saxiixay heshiiska dhismaha iyo dib u habeynta Dekadda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336 Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Dekad cusub oo dhererkeedu yaahy 450M.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insh allah

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso