Madaxweyne Gaas oo markii ugu horaysay qiray in la kordhiyey khidmada dekadda Bosaso

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay Idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa markii ugu horaysay qiray in la kor dhiyey khidmada laga qaado doonyaha iyo maciishada kasoo dega dekada magaalada Bosaaso.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in sababta loo kordhiyey khidmada dekadda ay tahay lagama maarmaan maadama mashaariic muhiima ka socoto, cida mashaariicdaas wadana ay doonayso in wixii ay geliyeen uga soo laabtaan, wuxuuna hakadka ku yimi shaqada dekadda ku eedeyey dad aan ganacsato ahayn oo aan u turayn Dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay la hadli doonaan ganacsatada wax tabanaysa, wuxuuse intaa ku daray inaysan marna la gorgortami doonin dad uu ku tilmaamay sharwadayaal aan ganacsato rasmiya ahayn oo arimahani siyaabo kale uga faaidaysanaaya.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaaya xili ku dhawaad todobaad ay haawanayso dekadda magaalada Bosaaso kadib markii ganacsatada isticmaasha dekadaas ay diideen inay doonyahooda kusoo xiraan inta laga xalinaayo tabashada ay ka qabaan khidmada lagu kor dhiyey maciishada iyo doonyaha.

Waxaa xusid mudan in qaar kamida madaxda Dawlada Puntland ay maalmahan dafiraayeen in la kordhiyey khidmadii laga qaadi jirey ganacsiga dekada Bosaaso.

PUNTLAND POST