Maxaad ka ogtahay Shirkadda la wareegaysa maamulka dekedda Bosaso

P&O oo loo soo gaabiyey Peninsular and Oriental Steam Navigation Company waxay ahayd shirkad laga leeyahay wadanka Ingiriiska waxaana la sheegay in shirkaddan la asaasay 1837. Shirkadan waxa ay ku bilaamatay shirkad ka shaqaysa xamuul kala qaadida dhinaca badaha iyo berigaba ( shipping and logistics).

Markii ay taariikhdu ahayd 7 Maarso 2006 ayay shirkadda DP WORLD oo laga leeyahay wadanka isu taga Imaaraadka Carabta iibsatay shirkadan, waxayna ka bixisay lacag dhan £3.9 billion oo u dhigantay markaas $5.7 billion USD

Intaa wixii ka dambeeyey shirkadda P&O oo awalba ahayd Group of companies waxa ay laba jibaartay howlaheedii ganacsi, waxayna ku sii shaqaysay magaceedii hore maadaama ay leedahay khibrad shaqo oo dhan 200 oo sano. sidaasna waxa ay DP WORLD ku noqotay shirkadda 3aad ee ugu weyn aduunka ee maamusha dekadaha. waxayna ka shaqaysaa 40 wadan oo ku firiqsan 6 qaaradood. Dalka ingiriiska waxa ay weli maamushaa 3 dekadood.

P&O Ports Logo

P&O waxa ay 6 April 2017 dowladda Puntland ee Soomaaliya la gashay heshiis ah 30 sano in ay maamusho oo horumarin ku samayso dekeda Boosaaso ee Puntland.

Haddii aan Laqdabo ku jirin shirkadda P&O waxa ay dhaqaale iyo khibradba u leedahay in ay dekedda Bosaso ka dhigto dekad la jaanqaadi karta dekedaha casriga ah ee dunida. Waxaa kale oo iyadana meesha ku jirta in imaatinka P&O ee Puntland ay horseed u noqoto in shirkaddo kale ay codsadaan in iyaguna ay dekedo sameeyaan.

Qodobada gun-dhiga u ah heshiiska Puntland iyo P&O ayaa ah in dekad balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaan la dayactiri doono dekeda hadda jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $136 million Dollar, dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.

Puntland Post
Garowe