CARAB SHEEGASHADA SOOMAALIDU SAl MA LEEDAHAY?
Illaa hadda, qoraalkeenna waxaa saldhig u ahaa dood-cilmiyeed labo xujo ku qotanta. Doodda koobaad ayaa ahayd in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin taariikh fac wayn oo ku xiriirinaysa asal qadiima oo ay ka soo jeedaan. Tan labaad ayaa iyana ah jiritaanka dad aynu af, dhaqan iyo dhiigba wadaagno oo inagu la arooraya asalka aynu ka soo jeedno.
Nasiibdarro, inaga oo sooyaalkaas la caddayn karo leh, ayanu haddana ku qanacsannahay dhaqanka sheegashada. Inta badan qabaa’isha Soomaalidu waxa ay aaminsanyihiin in ay yihiin tafiir ka hartay awoowayaal Carbeed oo dhammaantood dalka yimid wixii ka dambeeyey fiditaankii diinta Islaamka. Qaar ka mida odayaasha lagu abtirsado ee Carbeed, taariikhdoodu kama foga dhawr boqol oo sano.
Haddaba, haddii aynu dhammaanteen nahay farac ka haray odayaal Carbeed oo soo galootiya, meeye dadkii lahaa taariikhdii kumannaanka sona soo taxnayd ee aynu ka soo hadlaynay?
Waxaa laga yaabaa in ay kugu soo dhacdo qaar ayaa Soomaalida Carab ah, inta kalana, waa dadkii dhulka loogu yimid. Laakiin, majiro amaba waa uu yaryahay reer Soomaaliyeed oo aan abtirsigiisa ku xiriirinayn odayaal Carbeed, gaar ahaan reer Banuu Haashim. Waa xaqiiq in Carab sheegashada lagu kala horreeyey, laakiin majiro reer Soomaaliyeed oo aan ku arooraynin Quraysh iyo gaar ahaan qoyskii nabiga SCW.
Haddiise aynu qaadanno doodda oranaysa in aynu nahay tafiir ka hartay odayaal carbeed oo dalka yimid wixii u dhaxeeyey qarnigii 10-15aad, oo aynu meel iska dhigno taariikhdii qadiimka ahayd iyo dadkii lahaaba, su’aashu waxa ay noqonaysaa maxaynu u cuskannaa Carab sheegashadeenna? Bal aynu eegno doodda labada reer ee ugu cadcad Carab sheegashada.
Carab sheegashada Daaroodka.
Reerka ugu qadiimsan reeraha Soomaaliyeed ee Carabta ku abtirsadaa waa reerka Daaroodka. Inta aan ogahay, Shiikh Ali Majeerteen oo noolaa 1787-1852, ayuu ahaa ciddii ugu horaysay ee soo gudbisa abtirsiga Haashimiga ah ee Daaroodka ku xiraya Carabta. Shiikhu, masafooyin diini ah ayuu abtirsigiisa Haashimiga ah ku bayaamiyey. Dhanka kalana Sir Richard Burton oo isna noolaa qarnigii 19aad ayaa buuggiisa The First Foot steps in East Africa ku sheegay in uu arkay nin Warsangaliya oo haystay kitaab uu ku qornaa abtirsiinyaha awoowgood oo afar boqol oo sano ka hor Yaman ka soo haajirey. Sayid Maxamed sidaas oo kale ayuu isna gabayadiisii ugu sheegay abtirsiinyahiisa Haashimiga ah.
Laakiin qisada ugu caansan ee imaanshaha odaygaan Carbeed waa sheeko-dhaqameedka oronaysa in Shiikhu Xijaas ka soo haajiray kuna soo dagay xeebaha gobalka Bari oo uu la xididay odaygii Dir ahaa oo isagu dhulka horay u sii dagganaa. Isla sheekadaan ayaa waxaa lagu sii xariiriyaa in Shiikhu la dhashay Meheri Ismaa’iil oo ah qabiil Yaman iyo Soomaaliya ba laga helo.
Haddii aynu ka gudubno sheeko-dhaqameedka oo aynaan xaqiijin karin diidinna karin, oo u gudubno qaybta ku saabsan wadadhalashada Daaroodka iyo Maheriga, waxa aynu arkaynaa in sheekada wadadhalashada ay wax wayni ka khaldanyihiin. Sida caadiga ah abtirsiga Daaroodku waxa uu galaa Banuu Hashim oo Quraysh Cadnaaniyiina ah, Halka reer Mahra ay yihiin Qaxdaaniyiin Saba’iyiin ah. Waa labo reer oo aan xagga abtirsiga meelna uga kulmin. Mana dhici karto in qabiilo labadaba ku abtirsato.
Waxaa kale oo jira sheeko xagga dhigaalka ka wanaagsan kuwa kale oo uu taariikhyahanka reer Yaman ee Axmed Ibn Xuseen Ibn Muxamed Al-Yamani uu kitaabkiisa ‘Nashrul Maxaasin Fii Munaaqib Sayidinaa Ismaaciil Al-Jabarti’ uu ku soo arooriyey oo ah in Shiikh Cabdiraxmaan Jabarti oo uu dhalay Shiikhii Reer Yaman ee caanka ahaa ee Ismail Al-Jabarti uu u jihaad doontay dhulka Xabashida, markii uu aabihiis dhintay. Inkasta oo dad badani qabaan in shiikhaasi yahay odaygii Daarood ahaa, haddana waxa aan isyeelayn xilliga Ismaaciil Jabarti dhintay oo laga joogo lix boqol oo sano iyo taariikhda Daaroodka.
Xilligaas waa markii ay duntay saldanaddii Ifat ee reer Zaylac. Dagaaladii saldanaddaan dib loogu soo celinayey ayaana qabaa’isha Daaroodku hormuud ka ahaayeen, iyaga oo ay ka soo ciidamayeen kumannaan rag ah. (Eeg kitaabka Fatuux Al-Xabasha oo tilmaamaya toddoba qabiil oo Daarooda oo jihaadkaas ka qayb qaadanayey.)
Jabartiga Iyo Cuqaylka Is-huwan.
Inta badan marka la abtirsanayo magaca Jabarti waxaa loo dhigaa in uu yahay awoow lagu abtirsado. Laakiin sida saxda ah magacaani waxa uu ka soo jeedaa dhul loo yaqaannay Jabara, dadkii dagganaana la oran jiray Jabarti. Magacaan Jabarti waxaa waagii hore loo aqoon jiray dhulkii markii dambe ay ka jireen saldanadihii Ifat iyo Adal. Sidaas waxaa kitaabkiisa Limaamka ku sheegay Al-Xaafid Taqiyudiin Al-Maqriisii oo noolaa qarnigii 15aad. Shiikhu waxa uu sheegay in saldanadda Jabara ay ahayd middii ugu horaysay toddoba saldanadood oo islaam ahaa oo laga aasaasay dhulka Xabashida. Waxa uu yiri: saldanaddaan waxaa aasaasay rag Carbeed oo lagu sheegay Cuqayliyiin Haashimiyiina Ama Reer Cabdi Banuu Daar midkood, oo Xijaas ka soo haajiray.
Dadkii halkaas ku noolaa oo isugu jirey Carabtii saldanadda aasaastay iyo raciyaddii tirade badnayd ee dhulka loogu yimid ayaa loogu yeeri jiray reer Jabarti. Dadkii dhulkaan dagganaa markii ay Saldanaddii Ifaat duntay ayay meelo badan u qaxeen, sida Yaman, Xijaas, Suudaan Iyo Masar. Qaybo ka mida dadkaani wali waxaa laga helaa dhulka Ereteriya oo ahaa dhulkii asalka ahaa ee reer Jabarti. Dadka ugu badan ee magacaan Jabartiga maanta ku abtirsadaase waa Daaroodka. Laakiin cid walba oo magacaan wadataa waxa ay noqon kartaa labadii qaybood ee ay reer Jabarti ka koobnaayeen mid kood.
Sida caadiga ah, reeraha Soomaaliyeed oo dhami, marka laga reebo Isaaqa waxa ay ku wada abtirsadaan Cuqayl oo ay Haashimaga kaga dhacaan, laakiin cidda kaliya ee Cuqaylka uu u weheliyo Jabartigu ayaa ah Daaroodka. Waxay ila tahay inay fiicnaan lahayd in Daaroodku halkaan wax ka raad raacaan intii ay sheekooyin iskhilaafsan xujaysan lahaayeen. Waxaa Jira Shiikh Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Axmad A-raajixi oo uruuriya tafiirtii Cuqayl Ibn Abii Daalib oo leh kitaab la yiraahdo Al-Cuqayliyiin. Shiikhaas waxa uu qabaa in Daaroodku uu yahay tafiir ka hartay Cuqayl Ibn Abii Daalib. Laakiin Shiikhu ma keenin wax xujaa marka laga reebo abtirsi ka bilaabanaya magaca Daa’uud oo uu qabo in loo baddalay Daarood oo ku dhammaanaya Mohamed Ibn Cuqayl.
Carab sheegashada Isaaqa.
Reerka kale ee Soomaaliyeed ee ku dooda Carabnimada waa reeraha Isaaqa. Reerahaan waxa ay aaminsanyihiin in xilli aan cayimnayn uu awoowgood oo la oran jiray Shiikh Isxaaq Axmed ka yimid dalka Yaman gaar ahaan Xadarmawd. Shiikha oo ahaa shariif ku abtirsada tafiirtii nabiga SCW oo wata afartan xertiisa ah ayaa ka soo dagay xeebaha waqooyi ee Soomaaliya, ka dibna u gudbay dhulka Xabashida oo uu ku guursay haweenay Xabashi ah. Sheekadaan oo aynaan xaqiijin karin diidinna karin waxa ay u egtahay in laga soo dhambalay sheekadii Shiikh Ibrahim Abu Zarbay iyo xertii la socotay ee afartanka ahayd.
Dhanka kalana wixii ka horreeyey dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka reerahaani waxa ay Isu yaqaaneen Soomaalida kalana u taqaanay in ay Dir yihiin. Xilligii ay socotay silsilad-maanseedkii Guba waa tii uu Qamaan Bulxan lahaa “Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo bixiyo, Horta yaa la da’a wayla yaab dowyadaad marine” Ismaaciil Cigaal Bullaale oo Habar Yoonis ahaa isna waa kii Cali-dhuux ku lahaa “Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dabinka hoos yaal.”
Sida uu qoraagii Cabdulqaadir Oromo buugiisa Sooyaalka Soomaalida ku qoray, Dr. Mansuurna ka wariyey Pirone Michel, sheekada Carab sheegashada Isaaqu waxa ay billaabantay afartamaadkii, waxaana bilaabay rag Kenya joogay oo ka gadooday dabaqad kala sarraysa oo uu Ingiriisku raciyaddiisii u kala qaybiyey. Saddex dabaqadood oo kala sarreeyay oo Ingiriisku dadka u kala qaybshay ayaa kala ahaa: Tan koobaad, oo Yurubiyaana, tan labaad oo Aasiyaana iyo tan saddexaad oo Afrikaanka madow ahayd.
Raggaan oo ka biya diiday daqadda saddexaad ee madowga, doonayayna in lagu qoro midda labaad ee Aasiyaanka ayaa ku dooday in ay Quraysh Asharaafa oo Nabiga ku abtirsata yihiin . Raggaas waxa ay samaysteen urur la oran jirey ‘Isaaq Shariif Community’
Nasiibdarro, jaaliyaddii Carbeed ee Kenya ku noolayd ayaa diiday sheegashadaas, taas oo sida uu qabo Pirone sababtay in rag culimmo ah oo reerkaan ka tirsani ay sameeyaan abtirsi ku dhammaada Cali ibn Abii Dalib. Sida uu sheegay Pirone, abtirsigaan waxaa Qaahira lagu daabacay 1948. (Qisadaan ka eeg Sooyaalka Soomaalida Cabdulqadir Oromo Iyo Mansuur 2019 bogga 253).
Markii dadka laga dhaadhicinay Carabnimada ayaa nin beeshaan ka mida oo arintaas saluugsani gabyay tiriyey oo yiri:
Goortay taraareen rag baa saado tiigsadaye
Anse taydu Soomaali bey iigu taal waliye
Inaan tiir ka soo wada baxnay iyo turuqyadii Aadan.
Oo aynu isku taag nahay jirkaa laga tilmaamaaye.
Ma cirkaydun tagin Eebbahey waysku keen tolaye.
Dr. Cabdalla Cumar Mansuur waxa oo uu Buuggiisa Taariikhada Afka iyo dhaqanka Soomaalida ku sheegay in Xaaji Adan Afqalooc uu sidaan ugu abtiriyey reekaan: Isaaq, Murduble, Maradheere, Laba geed dhexdood laga hel.
Mansuur, waxaa kale oo uu sheegay in abtirsiiyaha odayaashii hore ee beeshaan laga soo gaaray afartamaadkii ka hor uu ahaa Isaaq Ahmed Mohamed Xiniftire Maha Dir Irir Samaale.
Horay waxa aynu u xusnay in Soomaalidu badankeedu Carabta sheegato. Mar la waydiiyey Ugaas Xasan Xirsi oo ahaa ugaaskii Ciisaha (1936-1996) abtirsiinyaha Ciisaha waxa uu ugu abtiriyey sidaan: Ciise Madoobe Murudle Maha Dir Irir Samaale. Markaas ayuu yiri abtirsiinyada Carbeed ee la sheego waa tu aan dhawaan maqlay. (Eeg Dr. Mansuur 2019: 253).
Isku soo wada duuboo, shaki kuma jiro in Soomaalidu isku ab tahay, Carab sheegashadu na ay tahay wax gadaal ka bilaabmay, qolo waliba xilligay doonto ha bilowdee. Lakiin, waxa rasmiga ah ee aan meelna loo dhaafi karin ayaa ah, in Soomaalidu ay tahay ummad qadiim ah oo leh taariikh qadiima sidii aynu qoraalkeenna min bilow illaa dhamaad ku soo xusnay. Ummadaasi waxa ay af iyo bahwadaag la tahay ummado kale oo wali islahaanshahoodii uu muuqdu, anagu wixii aynu doonna ba aynu iska aaminsanaannee.
DHAMMAAD.
Mohamed Ahmed Elmi