TAARIIKHDA QADIIMKA AH EE DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED – Qaybtii 12aad

Mohamed Ahmed Elmi

AFKA SOOMAALIGA.

Horay waxa aynu u soo sheegnay in cilmi-afeedku uu yahay mid ka mida rukummada ugu muhiimsan ee bulsho taariikhdeeda iyo dhaqankeedaba laga raadraaco. Cilmi-afeedku waxa uu sahlaa in bulshada la raadraacayo lagu baadigoobo bulshooyinka ay isir iyo ollog wadaagga yihiin, si looga sooco kuwa aysan intaas wadaagin.

Culimada ku xeeldheer cilmi-afeedku waxa ay qabaan in af soomaaligu uu ka mid yahay afafka faca wayn ee soo jirey kumannaanka sano. Af soomaaliga iyo af kasta oo lagu hadlaaba iskiis uma taagna ee af waliba waxa uu ka tirsanyahay bah-afeedyo kale oo ay isku reer yihiin. Sidaas daraadeed afkeennu waxa uu ka mid yahay koox afaf ah oo laysku yiraahdo Afro-Asiatic ama Hamito-Samatics. Oo ah afafkii reer Xaam iyo reer Saam.

Horay ayaynu usoo xusnay in ilma Xaam ay ahaayeen Kuush, Barbar iyo Misriyaat. Afafka Xaamiyiintaas ayaa la bah ah kuwa reer Saam oo ay ka mid yihiin Carabi, Cibri (afka Yuhuudda) Iyo Afka Ge’ez ee ay Xabashida iyo Tigreegu ku hadlaan iyo kuwo kale oo dabar go’ay oo ay ka mid ahaayeen afafkii qadiimka ahaa ee Ciraaqdii hore sida afafkii akkadianka, Assyrianka, Kancaaniyiinta iyo Aramiak.

Afka Soomaaligu bah-wayntaan ayuu ka sii yahay bahda Kushiitigga oo iyaga laftigooda uu ka sii yahay Kushiitigga bari oo ah afaf looga hadlo Soomaaliya, Itoobiya iyo qaybo ka mida Keenya. Kushiitiggaan bari waxaa ugu wayn afafka Soomaalida iyo Oromada oo mid waliba leeyahay bah hoosaad ay isa sii yihiin. Bah-hoosaadka Soomaaliga na waxaa la yiraahdaa afafka Proto-sam oo ah afafka ay ku hadlaan Soomaalida, Rendinlaha iyo Bonidu.

Maxaa lagu gartaa marka ay afaf isku bah yihiin?

Waxa aynu soo xusnay in afafku saamayn isku leeyihiin oo uusan jirin af kaligiis meel taagan. Tusaale ahaan afkeenna waxaa ka buuxa boqollaal eray oo Hindi, Talyaani, Ingiriis iyo Carabi ah. Sidoo kale waxaa jira boqollaal eray oo kale oo aynu Oromada ama Canfarta la wadaagno. Haddaba, sidee ayaa looga sooci karaa afafka inala bahda ah kuwa doolka inoogu yimid?

Afafka isku bahda ah waxa ay isku bah u noqdeen waa in markii hore ba ay isku hal af ahaan jireen. laakiin dheeraanta xilliga ka soo wareegay kolkii ay kala durkeen iyo ku milanka ay afaf kale ku milmeen, ayaa ka dhigay kuwo kala gaddisan oo mid waliba goonidiisa u taaganyahay. Haddana, iyaga oo xaaladdaas ku sugan, ayay wali leeyihiin summado muujinaya in ay hal af ahaan jireen.

Erayada Aan la kala Amaahan.

Waxa ugu horreeya ee lagu garto in afafkaani isku bah yihiin amaba ay isku af ahaan jireen ayaa ah erayada aan la kala amaahan. Erayada Magaalo, Gaari, Raadiye iyo Dariishad waa erayo aynu ka soo ergannay afafka Harariga, Urduuga, Talyaaniga iyo Faarisiga. Laakiin erayada aynaan cidna ka amaahan waa kuwa dhirta, xoolaha, Jirka dadka, cirka iyo wixii ka muuqda iyo dhulka iyo wixii dul saaran. Erayadaas waxaa la yiraahdaa kuwa aan la kala amaahan. Cid walba oo aad wadaagtaanna afkiinu waa isku isir.

Qaabdhismeedka Weeraha.

Arinta kale ee lagu garto afafka is leh waa dhismaha erayga iyo sida naxwaha weeruhu u dhisan yihiin. Waxaa la eegaa qaabka ay sarfaha weeruhu u dhacaan iyo halka uu falku weerta uga jiro. Afafka isku bahda ah qaab dhismeeka weeraha waa isaga mid. Masalan afka Soomaaliga iyo kuwa ay isku bahda hoose yihiin falku meesha ugu dambaysa ayuu dhacaa, ‘Maxamed waa yimid’ halka afka Carabiga falku uu horay ka galo weerta ‘Jaa’a Muxammadun’

Haddii aynu isbarbardhig ku samayno afafka ay af Soomaaliga isku bahda yihiin waxa aynu arkaynaa sida mugga leh ee ay isu shabbahaan. Waxa aynu ku kaaftoomi doonnaa afafka aynu bahda hoose isla nahay ee loo yaqaan Proto-sam. Afafkaan oo ah Soomaaliga, Rendinlaha iyo Bonida ayaa waxaa daraasad mug leh ku sameeyey caalim la oran jirey Brend Heine. Wixii uu ninkaasi soo bandhigay ayaynu wuxuun ka soo qaadan doonnaa.

Waxa aynu soo niri afafka isku bahda ihi waa kuwa wadaaga erayada aan la kala amaahan. Inaga oo taas ka duulayna ayaynu keeni doonnaa erayada noocaas ah ee ay afafkaani ka simanyihiin.

Dhanka kalana waxaa muhiima inaad ogaato in sida ay kuwan bah-hoosaad af Soomaaliga u yihiin, si ku dhow ay bah-waynta Kushiitiggana isu shabbahaan. Waxaa sidaas oo kale uu xiriir wayni af Soomaaliga kala dhaxeeyaa afafkii Hamito-Samatica ee aynu horay u soo xusnay. Xiriirkaan waxaa daraasaddiisii aan soo xusnay ku soo bandhigay Dr. Mansuur, laakiin kuwaas hadda kama aynu hadli doonno.

Erayada asalka ah ee aynu la wadaagno bahda Proto-saamka ee uu uruuriyey Brend Heine waxaa ka mid ah.

Kow: Erayo ku saabsan xayawaanka sida : Yaxaas, Shabeel, Libaax, Shimbir, Hanqaraarac, Waraabe, Ari, Ido, Lo, Sac, Wan, Geel, Wayl, Qaalin, Hal, Geri, Dawaco, Diin.

Labo: Erayo ku saabsan dabeecadda sida: Geed, Buur, Biyo, Wabi, Qorrax, Dudumo, Xabaal.

Saddex: Erayo ku saabsan jirka Bani Aadamka sida: Madax, Af, Gacan, Garab, Baabaco, il, Dhiig, Fanax, Feer, Far, Fool, Jir, Jilbo, Hunguri,.

Marka laga tago erayada kelikelida ah ee ay afafkaani wadagaan, Heine waxaa kale oo uu keenay jumlado iyo weero isku si u dhisan.

Tusaalayaal Falal amar ah: Gunto, Daqo, Bahso, Garo, Baro, Qabo, Filo, Gato, Urso, Neefso.

Kuwani maahan erayo iskood u taagan ee waa falal amar oo ay isaga mid yihiin afafkaani. Dhanka kalana Mansuur ayaa keenaya jumlado xiriirsan oo micne ahaan ka sii guda ballaaran fakalka aynu soo tilmaannay.

Tusaalayaal weero dhammaystiran ah.

Usu waxo soo sida. Rendille

Isagu wax buu soo sidaa. Somali maxaa tiri

Haa bah. Aweero Ha bah. Somali may

Heine, waxa uu qabaa in afafka Proto-samku ay af Soomaaliga wadaagaan ku dhawaad 60% erayada, halka uu Dr. Mansuur na aaminsanyahay in haddii Rendinlaha iyo Aweerada ama Bonidu ay dagganaan lahaayeen dhulka Soomaalida, afkoodu uu ka mid ahaan lahaa lahjadaha af Soomaaliga.

Dadyowgaani, maahan muslimiin, qaarkoodna wali waa ugaarato, laakiin waxaa xaqiiqo ah in ay Soomaalida isku hayb hoose yihiin, islahaanshaha afkooduna waxa uu caddayn u yahay isir-wadaaggooda.

La soco qaybtii 13aad

Mohamed Ahmed Elmi.