Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qabtii 3aad

Mohamed Ahmed Elmi

XILLIGII GIRIIGA IYO ROOMAANKA.

Dagal-baarayaasha iyo taariikhyahannada xaddaaradihii hore midkoodna hashiis kuma aha halka rasmigaa ee ay yihiin labada dhul ee ay nu qaybtii hore ku soo xusnay ee Melahu iyo Punt. Sababta ismaandhaafka keentay ayaana ah inaan qoraaladii qadiimka ahaa lagu xusin dariiqii loo maray dhulkaan iyo halka ay dhacaan ba. Inkasta oo taariikhyahanno badani qabaan in dhulka Punt uu yahay dhulka soomaalida, haddana waxaa jira kuwa kale oo aan sidaas aamminsanayn.

Laakiin taas baddalkeeda, waxaa si waadix ah oo aan shaki ku jirin dhulka soomaalida loo xusay wixii ka dambeeyey kolkii ay Giriigu qabsadeen dhulkii faraaciinta qarnigii afraad dhalashadii Nabi ciise ka hor. In kasta oo faylasuufkii gabyaaga ahaa Homer uu boqollaal sano ka hor qabsashada Griiggga uu dhulka soomaalida tilmaan ka bixiyey, haddana markii ugu horaysay ee dhulka soomaalidu ka dhex muuqdo caalamkii la yaqaanay ayaa ahyad xilligii taariikhyahankii waynaa ee Herodetus oo noolaa qarnigii 5aad Ciise ka hor. Maabka Herodutes waxaa ka muuqda in xilligaas dhulka soomaalida loo yaqaanay dhulka Macrobians.

Mar kale ayaa dhulka soomaalidu ka soo muuqday maababkii qadiimka ahaa ee Giriiggii hore, marakan dhulka soomaalida waxaa loo diiwaan galiyey dhulkii qorfaha “Cinimon Land” (eeg khariiradda juquraafiyahankii waynaa ee Eratosthenes oo noolaa qarnigii saddexaad Ciise ka hor). Ragga kale ee Giriigga ahaa ee xilliyadaas dhulka soomaalida maray ama ka hadlay waxaa ka mid ahaa Agatharchides, Strabo iyo Ptolemy oo si waadix ah magaalooyinka xeebaha waqoiyi iyo waqooyi bari u xusay.

Sida uu qabo George Hourani oo ah qoraaga buugga Arab seafaring, aqoontii ay reer yurub u lahaayeen xeebaha bariga Africa waxa ay si wanaagsan kor ugu kacday markii ay Romanku gacan ku hayntii Masar ay Giriigga kala wareegeen. Hourani waxa uu yiri: “aqoontaani waxa ay meesha ugu saraysa gaartay xilligii ay talinayeen boqoradii Romanka ee Trajan, Hadrian iyo Antonines, sannadihii u dhaxeeyey 98-192 A.D. Waa xilliga uu badmareenkii waynaa ee Ptolemy uu maray xeebaha Afrikada bari”.

Waxaase xogtii ugu wanaagsanayd oo ku saabsan dhulka soomaalida iyo xeebaha bariga Afrika ba soo gudbiyey, ganacsade Roman ahaa, oo socdaal ku maray xeebahaas bilawgii qarnigii koobaad.

Ganacsadahaan waxa uu xogtiisa ku soo gudbiyey buugga la yiraahdo The Periplus of The Erythraen Sea. Inkasta oo ganacsadahaani uusan dadkii dhulkaas daggaanaa si wanaagsan uga hadlin, haddana waxa uu si waafiya u soo gudbiyay ganacsigii xoogga lahaa ee ka socday marsooyinkii uu booqday. Ganacsaduhu waxa uu sheegay in dhulka loo yaqaanay dhulkii “Barberia ama Barbarkii cirifka fog” uu ka bilaabanayay marsada Avalites oo loo badinayo in ay tahay Saylac, kuna dhammaanayey Apone oo Xaafuun ah.

Ganacsaduhu, waxa uu tirinayaa marsooyinkii ganacsiga xoogga lihi ka socday ee baddaas ku teedsanaa, sida: Avalites oo Saylac ah, Mala’o oo Barbara ah, Munda oo Xiid ah, Mosyllon oo Boosaaso ah, Cape Elephas oo Caluula ah, Tabia ama Marsadii Xawaashka (The Spice Port) oo sida ay xuseen Lionel Casson iyo Huntingford oo ka mida ragga buuggaan sharaxay ah tuulada Damo, iyo ugu dambayntii marsadii caanka ahayd ee Apone oo aan iyada muran ka taagnayn in ay Xaafuun tahay.

Ganacsaduhu marka laga tago Xaafuun, illaa laga gaarayo dhulka Tanzania maanta loo yaqaan, waxa uu ku tilmaamay dhulkii Azania. Marsada ugu horaysa ee uu tilmaamayna waa Sarapion oo uu sheegay in ay koonfur Xaafuun uga beegantahay. Charles Gullian, qoraaga ‘buugga the Document’ waxa uu qabaa in marsadaani ay Warshiikh tahay. “Niokon ayaa ku xigta” ayuu yiri ganacsaduhu, oo isla Gullian u badinayo in ay Muqdisho tahay, isaga oo aan meeshana ka saarayn Dhanaane iyo Marka na.

Waxaa muuqata in dhulka ay soomaalidu maanta daggantahay uu labo dhul u kala qaysanaa xilligaas, taas oo aynu gadaalna ka arki doonno marka aynu soo tabinayno wixii taariikhyahannadii carabeed ay ka qoreen dhulkaan.

Dadkii dagganaa dhulka Barbarka oo ah magaca rasmiga ah oo ay carabtu soomaalida xilliyadii dhexe u taqaanay, ayuu ku sheegay in aysan lahayn nidaam dawladeed oo dhexe, laakiin taas baddalkeeda ay marsa waliba lahayd oday-dhaqameedyo talada iyagu gacanta ku haya.

Halka dhulkii uu Azania ku sheegay oo ay koonfurta Soomaaliya na ka midka ahayd, ay hoos tagi jireen boqorkii Carabta. Wuxuu yiri: “Boqorka waxaa wakiil ka ahaa oo canshuurta dhulkaan uga qaadi jirey ganacsato carbeed oo ka imaan jirey marsada Muza, ganacsatadaasi waxa ay aqoon iyo xiriirba la lahaayeen dadkii dhulka dagganaa oo ay afkooda ku hadli jireen kana guursan jireen” Marsada Muza waa Makhada maanta ee Yaman.

La soco qaybta 4aad.

Mohamed Ahmed Elmi