Taariikhda Qadiimka ah ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed – Qaybtii 7aad

Mohamed Ahmed Elmi

XILLIGII GUMAYSTAHA REER YURUB.

Qabsashadii Ingiriisku uu qabsaday Hindiya iyo dhisiddii la dhisay marinka Suways 1869 ayaa ahmiyad iyo qiimo badan u sameeyey marin-xeebeedyadii ay Soomaalidu dagganayd. Dawladihii reer Yurub ee maal galiyey kannaalka oo ahaa Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa doonayey in ay marinnadiisana koontoroolaan. Si ay hadafkooda ugu guulaystaan ayay horayba u sii bilaabeen sahaminta mandiqadda geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu dagto.

Waxa ay labada dawladoodba dhulka soomalida u soo direen sahamiyayaal basaasiina oo soo gudbiya xogta cidda la doonayo in la sahaminayo. Sahamiyayaashaan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee dhulka Soomaalida soo gaara xilligaas.

Xeebaha bari iyo koonfureed ee dhulka Soomaalida ayaa bartamihii qarnigii 19aad waxaa soo gaaray sahamiye Charles Gullian oo ka socday dawladda Faransiiska. Sahamiyahaani waxaa uu xilligaas ka diyaariyey dhulka Soomaalida macluumaadkii ugu horreeyey ee wax ku oola oo wakhtigii gumaystaha laga qoro dadka iyo dalka Soomaalida.

Waxa uu maray dhul badan oo Soomaaliyeed oo ku yaal xeebta badwaynta hindiya iyo gudaha dalkaba. Meelaha uu booqday ayaa waxaa ka mid ahaa magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe iyo saldanaddii ka jirtay bariga Soomaaliya ee loo yaqaanay ‘Majeerteenya.’ Gullian waxa uu xog qiimo leh oo ku saabsan dhaqanka, dhaqaalaha, qabaa’isha iyo juquraafigaba uu ka soo naqliyey dhulkii Soomaaliyeed ee uu booqday. Xogtaas waxa uu markii dambe ku qoray buugiisa ‘the Documant’

Isla gobalada koonfureed ee Soomaaliya waxaa xilli ku dhow midkii Charles Gullian booqday sahamiye kale oo u dhashay dalka Jarmalka oo la oran jirey Karl Klaus Van Der Decken. Sahamiyahaani waxa uu doon yar ku maray wabiga Jubba illaa uu ka gaaray magaalada Baardheere. In kasta oo Soomaalidii halkaas dagganayd ay dileen Decken haddana waxa uu ka tagay macluumaad qiimo leh oo ku saabsanaa dhulka iyo dadkii uu booqdayba.

Inta aynaan ka baxin sahamiyayaashii booqashada ku yimid qaybta koonfureed ee dhulka soomaalida bartamihii iyo dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxaa muhiima inaan xusno sahamiye I.N. Dracopoli oo dabayaaqadii qarnigaas booqday Jubaland.

Dracopoli, waxa uu xog farabadan oo ku saabsan gobalka Jubaland oo xilligaas ku jirtay gacanta Ingiriiska ku soo gudbiyey buuggiisa Through The Jubaland To the Lorian Swamp. Waxa uu ka waramay laga bilaabo Baardheere oo ahayd cirifka bari ee Jubaland illaa Wajeer oo ahayd cirfka kale. Waxa uu xusay qabaa’shii halkaas dagganaayd dhaqamadii iyo caadoodkoodii iyo qaabkii ay u dagganaayeen dhulka. Waxaa kale oo uu xusay xilligii ay soomaalidu dhulkaas timid iyo qaabkii ay Gallaha (Oromada) dhulka ugala wareegeen.

Sidio kale waxa uu xusay qabaa’ishii dagganayaasha ahaa ee ku noolaa magaalda Kismaanyo iyo Agagaarkeeda. Wuxuu si waafiya u sheegay ganacsigoodii, hoggaamiyayaal dhaqameedyadoodii, qaabkii ay dhulka ku yimaadeen iyo meeshii ay ka yimaadeen. Waxa kale oo uu xusay qabkii ay qabaa’ishaas dhulka u dagganaayeen laga bilaabo Goobwayn illaa Biskaayo oo ahayd cirifka dambe ee xeebta Raas Kaambooni.

Dhanka kalana, sahamiye Sir Richard Burton ayaa sahan basaasnimo ah ku yimid qaybta waqooyi ee dhulka Soomaalida bartamihii qarnigii 19aad. Burton oo ahaa nin carabiga iyo diinta islaamkaba bartay waxa uu u labistay iskana dhigay sidii nin Islaama. Waxa uu maray dhulka u dhaxeeya Zaylac illaa Harar iyo Barbara. Qayb sahankiisa ka midana waxa uu u diray gobalada maanta loo yaqaan Sool iyo Sanaag. Ninkaani waxa uu aad ugu dhabba galay dhaqanka, luuqadda iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu ka waramay magaalada Zaylac iyo nidaamkii markaas ka jirey ee uu ka talinayey nin Soomaaliyeed oo la iran jirey Hajji Sharmarke. Sidoo kale waxa uu xusay nolashii ka jirtay magaalada, qabaa’ishii ku xeernayd iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jirey.

Waxaa kale oo uu ka warramay magaalada Harar iyo noloshii dhaqan-dhaqaale ee xilligaas ka jirtey. Waxa uu sheegay degaankii ay Soomaalidu Harar ku lahayd iyo sida ay nidaamkii siyaasiga ahaa ee ka jiray ay qayb uga ahayd. Waxa uu xusay in qaadiga qaadiyada ee magaaladu oo ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badnaa magaalada uu ahaa Shiikh Adan Bartire oo Soomaaliya. Waxa uu soo gudbiyey in Harar xiligaas ay ahay mid go’doon ugu jirtay Gallaha oo aan xilligaas muslim u badnayn.

Magaalada Barbara oo markaas ahayd marso yar oo laga xagaa baxo kolka ay baddu xirantahay ayuu soo gudbiyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray. Dhanka kalana Laasqoray illaa dhulka Soolka ayuu ka sheekeeyey nolashii ka jirtay. Waxa uu si wanaagsan u xusay saldanaddii Warsangaliga iyo dhulkeedii. Dagaallo xilligaas lagu hoobtay oo u dhaxeeyey labo beelood oo reer Sool ah iyo kuwo kale oo u dhaxeeyey reer Barbara ayuu iyagana xusay. Sahamiyahaan xogtiisa waxa uu ku soo gudbiyey buuggiisa First Footsteps in East Africa.

Xilligaan gumaystuhu dalka Soomaalida uu sahaminayo dadka Soomaaliyeed waxa ay u badnaayeen qabaa’il dhaqato iyo qodoto isugu jira oo aan lahayn maamul dhexe oo u arrimiya. Marka laga reebo dhawr saldanadood oo awood ahaan aan buurnay. Saldanadahaas waxaa ka mid aha tii Majeerteenya ee Baargaal, Saldanaddii Hobyood iyo tii Galaddiga ee Shabeelada Hoose ka jirtay. Sidoo kale waxaa jiray maamuul ay culimmada Qaadiriyadu ku la haayeen Baardheeere oo la oran jirey Jamaacada Baardheere. Jamaacadaas markii dambe waxaa dagaal dhex maray saldanaddii Galaddiga oo soo afjaray jiritaankoodii.

Isku soo wada duuboo sahamiyayaashaan ayaa ahaa kuwo horgale u ahaa gumaystaha una gudbinayey xog walba oo dalka ku saabsan si ay uga caawiso kolka ay dalka iyo dadkaba gadaal qabsan doonaan, taas ayaana dhacday markii dambe.

Halkaan waxaa ku dhammaaday cutubkii koobaad ee ku saabsanaa dalka Soomaalida. Hadda wixii ka dambeeya waxa aynu guda gali doonaa cutubkii labaad oo kusaabsan dadka Soomaaliyeed.

La soco cutubka labaad qaybta 8aad.

Mohamed Ahmed Elmi