Taariikhda qadiimka ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed – Qaybtii 10aad

Mohamed Ahmed Elmi

MAGACII BARBARKA OO SOOMAALIDA U HIRGALAY IYO WIXII AY TAARIIHKYAHANNADII CARBEED EE HORE KA QOREEN.

Waxa aynu soo sheegnay tan iyo wixii ka dambeeyey qarnigii 1aad ee miilaadiga in dhulka Soomaalida dadkii dagganaa badankooda loo yaqaanay Berber. Magacaani waxa uu si rasmiya dhulkaan ugu hirgalay xilligii ay taariikhyahannadii carbeed ee muslimka ahaa bilaabeen in ay gayiga Soomaaliyeed wax ka qoraan.

Laakiin, ka hor intii uusan Islaamku soo shaacbixin, wali carabtii jaahiliga ahayd dhulka Soomaalida dadkii ku noolaa waxa ay u taqaanay Berber. Ibn Saciid waxa uu kitaabkiisa Al-juquraafiya ku soo arooriyey tuducyo gabay ah oo uu mariyey gabyaagii waynaa ee Carbeed Imru’u Qays ee noolaa casri jaahiligii Islaamka ka horeeyey. Gabyaagu waxa uu gabaygiisa ku tilmaamayey dadkii Berberka ahaa ee dhulka Soomaalida dagganaa iyo wanaaggii fardahooda. Sidaas si la mida ayaa Cabdiraxmaan ibn Khalduun na kitaabkiisa taariikhda uu gabaygaan ugu xusay.

Dadkii ugu horreeyey ee magacaan xusa waxaa ka mid ahaa Abu Xasan Al-Mascuudii oo yiri: “Barbarku waa dad madow oo u dhaxeeya Xabashida iyo Zinjiga, waana dad badwi ah oo leh luuqad aan la qorin
Wixii ka dambeeyey Mascuudii cid waliba oo dhulka Soomaalida wax ka tiraahdaayi waxa ay xusaysay dadkaan. Kolka aad raadraacyada taariikheed ee gayiga Soomaalida laga qoray aad dhab ugu fiirsato, waxa aad arkaysaa in Barbarka oo ah usuushii hore ee Soomaalida ay mar walba dhinaca ku hayaan oo ay sii durkinayaan dadka Zinjiga loo yaqaanay oo ahaa sawaaxiliga maanta daggan xeebaha bariga Africa ama Baantuuga.

Qarnigii koobaad, xilligii ganacsadahii Romaaka ee qoray buuggii aynu soo xusnay ee Perepluse uu xeebaha Soomaaliyeed marayey, dadka Barbarku waxa ay ku ekaayeen Xaafuun, wixii koonfur ka xigana waxa uu ku tilmaamay dhulka Zinjiga. Xiligii Shariif Al-Idirisii oo ganacsadahaan ka dambeeyey toban qarni, Baraawe oo ay dagganaayeen dad asnaamta caabuda ayaa xudduudu ahayd.

Yaaquut Al-Xamawi oo isna Shariifka in ka badan hal qarni ka dambeeyey waxa uu xusay in Muqdisho ay ahayd bartamaha dhulka barbarka, inkasta oo uu sheegay in ay magaalada dagganaayeen dad qalaad oo aan madoobayn. Qarni ka bacdi xilligii Yaaquut, Ibn Batuuta waxa uu sheegay in suldaankii xilligaas Muqdisha xukumayay uu ahaa Barbar asliya oo af carabiga bartay.

Dad nooceeya ayay ahaayeen Barbarkii dhulka dagganaa?

Haddii aad u fiirsatid qoraaladii ay carabtii hore dhulka iyo dadka Soomaalida ba ka qorayeen, waxaad arkaysaa in ay mar walba caddaynayeen in Berberku ahaa ummad u dhaxaysa Xabashisa iyo Sawaaxiliga deegaan ahaan iyo dad ahaanba. Waxa ay xuseen in dadkaas macayshadoodu ku tiirsanayd xoolaha nool, ugaarsiga iyo kalluumaysiga.
Inkasta oo qoraaladaas ay ku caddahay in Soomaalidu muslimiin ahayd, haddana waxaa si wanaagsan looga dheehanayaa in uusan islaamku xilligaas dhulka si wanaagsan u wada gaarin. Arintaas waxaa u daliil ah dhaqamo fara badan oo ay Soomaalidu lahayd oo shareecada ka soo horjeeday. Dhaqammada ay taariikyahannadii Carbeed aadka u xuseen waxaa ka mida in Soomaalidu caan ku ahayd goynta cisalka ragga iyo in ay meher dumarkooda uga dhigi jireen.

Yaaquut Al-Xamawi waxa uu kitaabkiisa Mucjamka ku soo arooriyey in “marka nin Berber ahi uu doono in uu guursado gabar uusan ku kuf ahayn, uu lo’da aabaheed neef ka mida oo rimman uu sayntiisa dun ku xiran jiray. Kolkaas ayuu doonan jirey ayuu yiri nin uu cisalka ka soo gooyo. Haddii uu sacii dholo isaga oo aan cisalkii ninka keenin gabar uma joogto, haddii uu soo noqdo isaga oo aan cisalkii wadinna waa la dilayaa. Laakiin haddii uu cisalkii keeno sacii oo aan wali dhalin waa khasab in gabadha lagu xiro, cidda ay doontoba gabadhu ha ahaatee.”

Dhaqamada kale ee ay caanka ku ahaayeen reer Berber waxaa ka mid ahaa in ay caruurta iska xadi jireen oo waliba ay tujaarta ka iibsan jireen. Shariif Al-Idirisii isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Barbarku caruurta ayay iska xadi jireen markaas ayaa caruurta la xado loo dhoofin jirey Masar” Arinta caruur xadista waxaa xusay taariikhyahanno kale oo ay ka mid ahaayeen rag Shiinaysa oo dhulka Barbarka booqday. Haddana iyaga oo dhaqamadaan leh ayaa sida uu Yaaquut xusayo ay caan ku ahaayeen Zuhdiga iyo Qur’aan jacaylka, marka ay dhulka carbeed u soo diin doontaan.

Jiritaanka dhaqamadaani waxa aynu ka fahmaynaa inaan diinta Islaamku si fiican xilliyadaas gudaha dhulka Soomaalida ugu faafin. Xilliga aynu ka hadlayno ayaa ku beegan siddeed qarni ka hor, laakiin xilligaas wax yar ka hor dhulka Soomaalidu diintu waxa ay ku koobnayd oo kaliya meelo yar. Arintaas waxa aynu ka fahmaynaa Carabta oo addoonta ka daabuli jortay dhulkooda.

Al-Maqdasii waxa uu xusaysa in addoonta kuwa ugu sharka badani ay ahaayeen kuwa Berberka. Wuxuu yiri: “addoonta aad arkaysaani waa saddex nooc; kuwo loo raro Masar oo ah kuwa ugu wanaagsan, kuwo loo raro Cadan oo ah Barbar ahna kuwa ugu sharka badan addoonta iyo kuwo Xabashida shabbaha” Shareecada Iskaamka waa ka xaaraan in muslimku addoonsado muslim kale sidaas daraadeed Berberka ay sheegayaan waxa uu ahaa kuwo aan muslim ahayn.

Maxaa caddaynaya in Barbarkaani ahaa Awoowayaashii hore ee Soomaalida?

Waxaa hubaala inaad iswaydiinayso maxaa caddayn u ah in aynu dadkaan ka soo jeedno? Ama ay yihiin ab- awalladii hore ee Soomaalida. Marka laga tago in aynu wali daggannahay dhulkii dadkaas lagu tilmaamay, haddana waxaa jira xujooyin badan oo loo cuskan karo arintaas. Sidii aynu soo sheegnay ba dadkaan mar walba waxaa lagu tilmaamayey in ay ahaayeen dad u dhaxeeyey xabashida iyo Zinjiga xagga dagaanka iyo dhanka muuqaalkaba. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamayey dad reer guuraa ah oo geela iyo arigaba dhaqda.

Laakiin taas kaligeed kuma filla maxaa yeelay waxaa jira dad kale oo Soomaalida u muuq eg geelana dhaqda oo ayna dhici karto in ay dhulka wax ka dagi jireen, gaar ahaan dhanka waqooyi. Yaquut Al-Xamawi ayaana arintaas xusay oo sheegay jiritaanka dadyow kale oo Berbarka waheliyey lakiin Berberku ka badnaa.

Waxyaalaha xujada ah ee caddaynaya in dadkaasi ay Soomaalida maanta ahaayeen waxaa ka mida in Shariif Al- Idirisii iyo Ibnu Saciidba ay xuseen magaca ‘Hawiye.’ Shariifku waxa uu sheegay in ay Xaafuun ku teedsanaayeen toddoba tuulo oo ay ka mid ahyd mid la la oran jirey Hawiya. Qarni ka bacdi Ibnu Saciid waxa uu sheegay in magaalada Marka iyo konton tuulo oo hoos imaan jirey ay ahayd saldhigga Hawiyaha.”

Shan boqol oo sano ka hor xilliga aynu maanta joogno qoraaga kitaabka Fatuux Al-Xabasha waxa uu sheegay in Beesha Harti Daarood dagaankeedu ahaa bariga Soomaaliya gaar ahaan marsada Maydh ee maanta ka tirasan gobalka Sanaag. Sidoo kale awoowayaashii hore ee Soomaaliyeed ayaa qabbuurahoodu ay ku firiqsanyihiin gobolada waqooyi bari, sida Daarood, Isaaq, Ciise, Samaroon, Gurgure, Harti, Mareexaan iyo Abagaal. Ab-awallada Daarood iyo Hawiye oo ah kuwa ugu abtirsaga dheer reeraha Soomaalida oo uu abtirsigoodu u dhaxeeyo 30-40 awoowe, ayaa markii qarnigiiba loo qaybsho saddex jiil waxa ay noqonaysaa 1000-1100, oo ah xilli yeelaya caddaymaha aynu ka hadlayno.

La soco qaybta 11aad.

Mohamed Ahmed Elmi