Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qabtii 6aad

Mohamed Ahmed Elmi

XILLIGII BOORTAQIISKA.

Waxa aynu horay usoo sheegnay xiriirkii ay reer yurubkii qadiimka ahaa la lahaayeen mandiqadda geeska Afrika gaar ahaan dhulka soomaalida. Xiriirkaas waxa aynu soo sheegnay in uu bilaabmay markii Giriiggii uu hoggaaminayey Elexender The Great ay qabsadeen dalka Masar. Waxaa la sheegaa markii uu Elexender ku duulayay Hindiya in uu soo maray marin-badeedka xeebaha dhulka soomaalida oo uu Jaziiradda Suqadara na dajiyey dad Giriig ah.

Afar iyo toban qarni Elexender gadaashiis, taariikhyahannadii carbeed ee aynu kor ku soo xusnay waxa ay jaziiradda Suqadara ku sheegeen in ay ahayd meel ay dagganaayeen jaaliyad Giriig ah oo ahaa dadkii uu Elexender halkaas ku beeray.

Laga soo bilaabo xilligaas illaa sadexdii boqol oo sano ee ay Giriigu Masar xukumayeen iyo boqolaalkii sano ee ka dambaysay ee ay Romanku gacanta ku hayeenba, reer yurubkii qadiimka ahaa waxa ay xiriir dhow la lahaayeen mandiqadda geeska Afrika. Xiriirkaasi waxa uu meesha ka baxay markii Islaamku uu soo ifbaxay oo gacan ku hayntii Masar ay muslimiinta ku soo wareegtay.

Laakiin, mar kale ayaa dabayaaqadii qarnigii 15aad xiriirkii reer Yurub iyo dhulka soomaalidu uu dib u bilowday. Marakan xiriirka reer Yurub ee dhulka soomaalidu ma uusan ahayn mid ganacsi iyo saaxiibtinimo ku dhisan ee wuxuu ahaa mid cadownimo iyo dal ballaarsi ku salaysan. Duulaankaas waxaa garwadeen ka ahaa Boortaqiiska oo xilligaas ahaa awoodda ugu tunka wayn reer Yurub.

Marka laga reebo siyaasaddiisii dhulballaarsiga ee uu xeebaha bariga Afrika ku qabsanayey, haddana waxaa jiray hiil uu Boortaqiisku u hiillinayey boqortooyadii masiixiga ahayd ee Xabshida ee muslimiintii geeska Afrika dagaalka kula jirtey tan iyo dabayaaqadii qarnigii 13aad ee miilaadiga.

Boortaqiiskii ku yimid hiilka iyo nacaybka uu muslimiinta u qaboo, waxa uu badda ka duqeeeyey magaalo- xeebeedyadii Soomaaliyeed ee ku teedsanaa gacanka Cadmeed iyo badwaynta Hindiya.

Vasco da Gama badmareenkii waynaa ee caanka ahaa ee Boortaqiiska ahaa, markii uu ka soo noqday Hindiya 1499- kii, waxa uu badda ka duqeeyey magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1517-kii Lapo Soares ayaa gubay oo dhulka la simay magaalada Zaylac. Sanadkii kaa xigayna sidaas oo kale ayaa magaalada Barbara la yeelay. Dhanka kalana Boortaqiisku waxa uu qabsaday oo uu qalcad dagaal ka samaystay jasiiradda Suqadara.

Waxaase xusuuqii ugu ba’anaa laga gaystay magaalada Baraawe oo gacantooda ku dhacday 1506. Ka dib markii ay gumaadeen dadkeedii, waxa ay dab sureen oo ay dambas ka dhigeen magaaladii, sida uu qoray askari ka tirsanaa raggii magaalada qabsaday.

Askarigaas isaga oo ka sheekaynaya wixii Baraawe ka dhacay, waxa uu yiri: “Boortaqiisku waxa uu yimid magaalo la yiraahdo Baraawe oo uu xoog ku qabsaday. Waxa uu laayay in badan oo muslimiina, waxa uuna bililiqaystay hanti badan oo dadkeedu lahaa. Raggii magaalada ayaa difaacayay naftooda oo qura kana tagay hantidoodii (dahabkii iyo dumarkii oo ay la ahayd inaan la layn doonin.) Dumarka ayaa mid walba gacmaheeda, lugaheeda iyo dhagaheeda ba waxaa ku jiray dahab aad u culus oo badan. Askarta Boortaqiisku si aan wakhti uga dhumin ayay goynayeen gacmaha, lugaha iyo dhagaha dumarka uu dahabku ku jirey. In ay naxariistaan waxaa u diidayey qadduucnimadooda. Kuwa waxaas samaynayey ma ahayn kuwii ugu wanaagsanaa. Waxay gumaadayeen dumar, iyaga oo garanaya nugaylkooda. Markii ay dumiyeen magaaladaas ayay u dhaqaaqeen dhanka mid kale oo la yiraahdo Muqdisho.”

Isla dhacdadaan Barawe, waxaa wax ka qoray Duarta Barbosa oo xaqiijiyey hadalkii askariga. Wax uu yiri: “Barawe waxay ahayd magaalo ganacsi oo uu Boortaqiisku baabi’iyey isaga oo xasuuqay dadkeedii, in badan oo ka mid ah na qafaashay. Waxaa kale oo uu bililiqaydatay hantidii magaalada sida dahabki iyo qalinkii.

Cadawnimadii Boortaqiiska iyo hiilkii uu u soo hiilliyey Xabshidu waxa uu meesha ugu sarraysa gaaray, markii uu xabaal ka badbaadiyey boqortooyadii Xabashida. Waa xilligii Iimaan Axmed-Gurey uu qabsaday inta badan dhulka Xabashida, boqorkii Xabashiduna uu dhintay isaga oo baxsad buuragaleena ah. Labo boqol oo Boortaqiisa oo ku hubaysanaa banaatiikh casriya oo uu hoggaaminay wiil uu dhalay Vasco da Gama ayaa gurmad ugu yimid kana badbaadiyey xus ay taariikhdu magac ahaan u xusi lahayd boqortooyo masiixiya oo geeska Afrika waa ka jiri jirtay.

Gumaaadkii iyo cadawnimadii uu Boortaqiisku ka waday xeebaha soomaalida iyo kuwii kale ee muslimiintii dariska la ahaaba, waxay soo gabagabowday markii ay Cummaaniyiintu ka saareen mandiqaddii Carbeed iyo tii bariga afrikaba, dabayaaqadii qarnigii 17aad.

Haddii aynu intaas uga gudubno cadawnimadii iyo damacii Boortaqiiska oo aynu usoo noqonna mawduuceenii dhulka iyo waxii laga qoray ku saabsanaa, waxa aynu arkaynaa in magaalooyinka xeebaha soomaaliyeed ku yaalay ay xilligaas qani ahaayeen. Waxaa tusaale inoogu filan sida ay Boortaqiisku ula yaabanaayeen dahabkii iyo hantidii kale ee ay Baraawe ka heleen.

Dhanka kalana Vasco da Gama mar uu tilmaamayey magaalada Muqdisho waxa uu ku tilmaamay magaalo wayn oo suuq wayn lahayd, ayna ka dhisnaayeen aqallo waaway oo dhawr dabakh ahaa. Sidoo kale waxa ay lahay ayuu yiri mannaarado aad u dhaadheeraa.

Duarte Barbarosa qoraagii ka midka ahaa sahankii Ferdinand Magellan waxa uu xusay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray magaalada Muqdisho xilligaas. Waxa uu sheegay in maraakiib badan oo wadda dhar iyo xawaaah ay Muqdisho uga imaan jireen dhanka Hindiya, kuwaas oo ku baddalan jirey badeecooyinkooda dahab, fool-maroodi iyo malab. Eeg, Baadiyow, the History of the Somali Peninsula.

Francisco Alvares, danjirihii Boortaqiiska u fadhiyey dhulka xabashida sanadihii 1520-1527, waxa uu buugiisa ‘Narrative of the Portuguese embassy to Abyssinia’ ku sheegay in saldanaddii Adal ee jihaadka kula jirtay boqortooyadii xabishada ay xadduudeedu gaarsiisanayd illaa Raas Gardafuu oo ah cirifka bari ee dhulka soomaalida. Waxa uu sheegay in halkaas uu ka jirey maamul hoostagi jirey saldanadda Adal. Sida ka muuqata hadalka safiirka mandiqadda xeebaha Puntland markaas waxaa ka jiray maamumul iyo nidaam siyaasadeed. Markii uu socday dagaalkii muslimiinta iyo Xabashida ee uu hoggaaminayey Iimaan Axmed-Guray mandiqaddu waxa ay u dirtay ugu yaraan saddex boqol oo dagaalyahan oo seefaha ku dirira. Raggaas waxay wacdaro ka dhigay goobtii Shimberokore ee Iimaanka guushu ku raacday.

La soco qaybta 7aad.

Mohamed Ahmed Elmi