TAARIIKHDA QADIIMKA AH EE DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED – Qaybtii 13aad

Mohamed Ahmed Elmi

RAADRAACYO DHAQAMMEED.

Si la mida cilmi-afeefka iyo culuumtii kale ee aynu ka soo hadalnay ayaa dhaqankana lagu raadraacaa bulshooyinka si wax looga ogaado tagtadoodii hore looguna xiriiriyo bulshooyinka ay dhaqan iyo dhiig-wadaagga yihiin.

Bulshooyinka dhaqan-wadaagga ah waa kuwo isir iyo af ahaanba isku meel ku aroora.
Marka aynu salka u dhigno wadaagga ay labo bulsho wadaagto dhaqanka iyo afka ayay inoo soo baxaysaa islahaanshaha bulshooyinkaas. Markaas ayaynu inta kale uga soocnaa haybta ay wadaagaan.

Dhaqammo qadiima oo aynaan wali dhumin

Markii aynu ka hadlaynay wixii ay taariikhyahannadii hore ee Giriiggu ka qoreen dhulka Soomaalida labo kun oo sano ka hor, waxa aynu soo xusnay hadalkii Agatharchides ee uu Strabo soo naqliyey ee ahaa in dhulkaas ay dagganaayeen dad uu ku tilmaamay Troglodutikes oo ahaa reer guura. Haddii aynu dhaqammadii uu dadkaas ku tilmaamay barbar dhigno kuwa Soomaalida, waxaa inoo soo baxaya isu ekaanshaha labada dhaqan.

Agatharchides waxa uu tilmaamay in dadkaasi ay ahaayeen qabaa’il reer guuraaya oo ay u talin jireen odaydhaqameedyo. Waxa uu xusay in ay ahaayeen dad gudan sida Faraaciintii. Xoolaha waxa ay ku xiran jireen koor ayuu yiri. Marka uu fal-dambiyeed dhaco sida Sinada oo kale ah, ninka gogoldhaafka sameeya waxaa lagu xukumi jiray sabeen xaal ah. Qaabka ay maydka u xabaashaan ayuu iyadana xusay oo uu sheegay in ay fariisin jireen markaas ka bacdina ay dhagax ku tuumin jireen.

Haddii aad dhaqamadaan eegto waxa aad arkaysaa in ay yihiin dhaqammo gayiga Soomaalida ka jiray ama waliba la isticmaalo, marka laga reebo xabaasha oo Soomaalidu inta ay islaamtay ka bacdi ay wax u xabaalato qaabka shareecada islaamka. Laakiin qabbuuraha uu Agatharchides sheegayo ayaa raadkoodii wali ka muuqdaa dhulka Soomaalida. Taallo-tiiriyaadka ayaa ah xabaalo ay Soomaalidu aaminsantahay in ay ku duuganyihiin dadkii hore. Dad qoday xabaalahaan waxa ay ii sheegeen in ay ugu tageen qof fadiya.

Carabtii dhulka Soomaalida waxa ka qortay ayaa iyaguna xusay dhaqammadii ay la haayeen dadkii dhulkaas dagganaa. Sidii qolyihii hore oo kale ayay xuseen in Soomaalidu xoolo dhaqato reer guuraaya ay ahaayeen. Dhaqammada la yaabka leh ee ay Mascuuddii iyo Yaaquut Al-Xamawi labaduba xuseen ayaa waxaa ka mid ahaa in reer Berber oo ahaa awoowayaashii hore ee Soomaalida ay ragga cisalka (xubinta taranka) ka goyn jireen. Inkasta oo uusan dhaqankaasi hadda caan ahayn haddana maansada Soomaalida wali waa uu ka muuqdaa. Si doo kala ayaynu soo sheegnay in qabbuuro laga helay dhulka Ciisaha lagu arkay dhagxuun loo qoray qaabka xubinta taranka ragga oo ka hor mudnayd qabri walba.

Yaaquut, waxaa kale oo uu sheegay farsamo Soomaalidu u adeegsan jirtay ugaarsiga duurjoogta oo ah qaabkii ay u samayn jireen Mariidka oo ah sun laga dhiijo geed ay yaqaannaan oo la marin jirey afka gamuunka ama fallaarta. Farsamadaan waxaa isna xusay qoraagii kitaabka Fatuux Al-Xabasha Shihaabudiin Ibn Cabdulqadir. Waxa uu yiri: “Suntaan waxaa yaqaanay oo kaliya Soomaalida iyo Mayaha” (Mayuhu waxa uu ahaa qowmiyad cawaan ah oo dhulka Xabashida dagganaan jirtey boqorka Xabashidana jaal u ahayd xilliyadii muslimiintu la dagaalamaysay Xabashida. Hadda magac ahaan uma jiraan waxayna u badan yihiin in ay qowmiyadaha kale ku milmeen.)

Dhaqammo aynu la wadaagno Bah-wadaagteen.

Haddii aynu intaas ku dayno dhaqamadii gayiga Soomaaliyeed ka jiray ee taariikhda lagu xusay ee ay wali Soomaalidu isticmaasho. Waxa aynu hadda eegaynaa dhaqamada Soomaalida ku xiraya dadyowga ay bah-wadaagta yihiin ee wali labada qoloba ay isticmaasho.

Haddii aad eegto magaca ay Soomaalidu u aqoon jirtey Alle oo ah ‘Waaq’ waxa aad arkaysaa in uu yahay magac ay dhammaan Kushiitigga bari u yaqaanaan Alle. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo sidee lagu ogaanayaa in Soomaalidu ay Alle Waaq u aqoon jirtay. Haddii aad eegto inta badan qabaa’isha Soomaalida waxaad arkaysaa in magaca Waaq uu ka buuxo abtirsigooda. Waxa aynu soo qaadanaynaa magacyada tilmaamaya inay Waaq Alle u yaqaaneen. Waxa yanu sheegaynaa dhawr magac oo uu Waaq ka muuqdo innaga oo ku lammaanin donna reerka magacaas la haa. BIDDE-WAAQ (Jidle) waa addoonkii Alle. JIDWAAQ (Absame) dariiqii Alle. NAXARIISWAAQ (Murursade). SIWAAQROON. si•Waaq•u•roon (Majeerteen) oo ah si Alle u roon. GALADWAAQ (Biyamaal). WAAQMAHADLE (Mareexaan). CAABUDWAAQ (Ogaadeen) WAQUJIRE (Sacad) oo ah Waaq-u-jire kii waaq u u joogay. AMARTIWAAQ (Majeerteen) oo ah amarkii Waaq.

Waxa ay u badantahay in xilliyada magacyadaan lala bixi jiray ay ku dhowdahay xilliyadii ay Soomaalidu Islaamka qaadatay oo aysan wali magacyada Carabiga ahi si qummaatiya u soo gaarin. Waa magacyada Eebbe ku xiriirinaya adoonkiisa sida: Cabdullaahi Iyo Cabdiraxmaan. Markii dambe magacyadaan Carabiga ah ayaa baddalay kuwaas Waaqu ka muuqdo.

Waxaa jira magacyo uu Waaq ka dhex muuqdo oo qaar ka mida abtirsiinyaha qabaa’isha Soomaalida laga heli karo una u eg in lala bixi jirey intii aanay qabaa’ishaasi Islaamka qaadan ka hor, sida WAAQ-DHOORRE iyo WAAQBIYE. Labada magacba waxa ay u dhisanyihiin qaab shareecada Islaamka aan waafaqsanayn, taas ayaana caddaynaysa in ay Islaamka ka horreeyeen.

Haddii aynu intaas uga baxno magaca Waaq iyo waxa la xiriira, waxaa jira dhaqammo kale oo ay Soomaalidu la wadaagto dadka ay isku haybta yihiin. Kurta ama Madaxshubka oo ah ducada ay haweenku samaystaan marka uu sidkoodu dhammaado ayaa ka mida caadooyinkaas. Caadadaan oo ah mid Islaamka ka horraysay walina ay Soomaalidu isticmaasho ayaa Oromada oo ay isku bah yihiinna ay wali isticmaashaa.

Waxaa kale oo ay isaga mid yihiin sheeko xariirooyinka ay ka mid tahay in ay ka soo jeedaan nin barakaysan oo cirka ka soo dhacay sida Oromada oo kale, ama nin barakaysan oo geed saaran oo qoys maxaliya gabar ka guursaday sida Soomaalida (Daaroodka iyo Ajuuraanka)

Waxaa jira dhaqammo badan oo ay wadaagaan dadyowgaan isku bahda ah ee aynu ka soo warramaynay oo ay ka mid yihiin dhaqamada guurka, dumaasha, dhalashada, duullaanka iyo ciyaaraha. Masalan Ciyaarahoodu waxa ay u badan yihiin or iyo jaan, meesha qabaa’isha Baantuugu ay durbaan ku ciyaaraan Carabtuna seefo ku ciyaarto. Xagga guurka waxa ay caan ku yihiin sida soomaalidii hore ka guursiga beelaha ood ahaan ka durugsan. Dumaasha ayaa iyana ah dhaqamada ay qabaa’ishaani wadaagaan.

Xitaa qaab dhismeedka qabaa’isha ayaa isu eg. Masalan Soomaalidu waxa ay u kala baxdaa Sab Iyo Soomaali, halka ay Oromadu u kala baxdo Boorana iyo Bareento. Canfartuna Asaw Mara iyo Adow Mara. Beejaha ayaa ayana u kala Baxa Badaawiye iyo Banuu Caamir. Halka Siddaamuhu u kala baxo Side iyo Moldaa.

Magacyada Sab, Bareentu, Badaawi, Adow Mara iyo Maldaa ayaa u taagan qabaa’il sheegad ah ama aan dhalad ahayn. Halka Soomaali, Boorana, Banuu Caamir, Asow Mara iyo Sidi ay u taaganyihiin gob ama dhalad. Tanina waa tusaale kale oo ina tusaya dhaqanka sheegashada iyo kala sarraynta xitaa in ay qoomamkaani ka simanyihiin.

Chauncey Stigand, waxa uu kitaabkiisa The land of Zinj ku xusay dhawr dhaqan oo ay wadagaan dadyowgaan bahwadaagta ahi. Waxa uu yiri marka ay sheekaysanayaan qof ayaa hadla kan kalana hadalka ayuu ka guraa midka hadlaya. Kolka ay taagan yihiin waxa ay isku taagaan hal lug tan kalana way ku nastaan (yacni lugta ay ku taagan yihiin ayay tan kale kor saaraan). Marka ay hilib cunayaan ilkaha ayay hilibka ku qabsadaan, markaas ka bacdi ayay billaawaha cadka ku goostaan. Meesha dadyowga kale hilibka oo meel u dul saran ay cad billaawaha uga soo goostaan. Dhaqammadaan waa kuwo ay dadkaani ka simanyihiin oo aysan lahayn dadka ay ood-wadaagta la yihiin, Carab Iyo Cajam midkay doonaan ba ha ahaadeene.

La soco Qaybta 14aad

Mohamed Ahmed Elmi