Garowe:-Shirkii Beesha Tanade iyo qaar kamid ah Issimada Puntland oo ku dhamaaday natiijo la’aan


Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe uga socday Beesha Tanade Daarood (Leelkase) iyo qaar kamid ah Issimada Puntland ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Shirka oo socday muddo Lix beri ah ayaa looga hadlayay xalinta tabasho ay sheegeen Beesha Tanade in ay ka qabto Gollaha Wakiiladda Puntland wuxuuna soo gaba-gaboobay Isniintii shalay galinkii danbe, iyadoo aysan jirin wax War ah oo shirkaas ka soo baxay iyo wax laysku afgartay, sida ay PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kal soonaan karo oo ka ag-dhawaa shirka.

Gogosha shirka oo ay dhigtay Beesha Tanade Daarood ayay kaga codsadeen Issimadii shirka ka qeyb galay in Dastuurka Puntland loo furo loogu kordhiyo Gollaha Wakiiladda Puntland 15 xubnood, balse Issimada ayaa sheegay in aysan awood u lahay hadda in ay wax ka badal ku sameeyaan Gollaha Wakiiladda Puntland oo ka koobkan 66 mudane.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo 25-kii July ka qeyb galay furitankii shirkan ayaa sheegay in Beesha Tanade ay difaaca iyo midnimadda Puntland muhiim u yihiin, ayna tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo tabasho Beesha ee Gollaha Wakiiladda Puntland, isagoo xusay in weli masuuliyada Puntland saaran tahay Issimada.

Shirkan ayaa ah shirkii labaad oo ku dhamaada natiijo la’aan, kadib markii shir ay beeshan la qaateen qaar kamid ah Issimada Puntland oo 24-kii July ka dhacay Garowe, uu isna ku soo gabo-gaboobay natiijo la’aan.

Dooda ah kordhinta tirada kuraasta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah Baarlamaanka Puntland, Siyaasiin reer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Puntland, kuwaas oo dhamaantood ka digay in faragalin lagu sameeyo Dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka Puntland uusan ku dhisnayn qabiil balse uu ku dhisan yahay nidaam deegaan ama degmooyin.

Masuuliyiintaas waxaa kamid ahaa madaxweynihii horre ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl, General Cabdulaahi Siciid Samatar oo xilal badan ka soo qabtay Puntland iyo siyaasiin kale.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 60-aad ayaa qoraya “inta laga helayo tiro koob sugan, Gollaha Wakiiladda waxa uu ka koobnaanayaa 66 Xildhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah”, qodobkaas ayaa ka hor’imanaya qaabka hadda larabo in loo kordhiyo Gollaha Wakiiladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horey uga codsadey Gudoonka Gollaha Wakiiladda in la kordhiyo tirada Gollaha Wakiiladda Puntland, balse tiro ka badan 40 Xildhibaan ayaa arrintaas kadib saxiixay inaan la faragalin karin arrimo ku saabsan Dastuurka Puntland.

Kordhinta tirada kuraasta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa waxaa dabada ka riixaya qaar kamid Xildhibaanada Puntland, waxaana kamid ah Xildhibaan Nuux Dheere oo ka tirsan Beesha Tanade, kaas oo dadaal ugu jiro qorshe uu kaga gaashaamanayo sii joogista kursigiisa Xildhibaanimo oo sida la rumaysan yahay kaga eg mudada xil hayntiisu marka la gaaro sanadka 2019.

Waxaa jira Beelo badan oo ku qatan habka saami qeybsiga Gollaha Wakiiladda Puntland, kuwaas oo iyagana uu saameyn karo haddii la kordhiyo.

PUNTLAND POST