Siyaasi ka horyimid in la kordhiyo tirada Baarlamanka Puntland

Siyaasi Cabdi Waran-jaan oo ka mid ahaa sanadkii 1998-dii Ergeygii Gobolka Nugaal uga qeybgashay Doorashadii ugu horeysay markii la asaasay maamulka Puntland ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta PUNTLAND POST uga hadlay dooda ka jirta  in la furo kordhinta tirada Baarlamanka Puntland.

Wuxuu sheegay Cabdi Waran-jaan haddii la furayo arrintan in loo baahan yahay in la isugu yimaado shir weyne balaaran oo la mid ah midkii lagu asaasay Puntland, isagoona taas bedelkeeda ku dhaliilay Madaxweynaha Puntland inuu rabo qaab aan sax ahayn in loo furo mowduuca ku salaysan qancin beelo cabanaya.

Cabdi Waran-jaan ayaa hoosta ka xariiqay jiritaanka beelo ku qatan habka saami qeybsiga ee ka jira Puntland, Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay sifo sharciya oo lagu qancin karo dadkaas, Iyada oo laga dheeraanayo khilaaf iyo buuq isqab qabsi oo ka dhasha in la gudo galo arrintooda.

Hadalka Siyaasi Waran-jaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay laga dareemayo gudaha iyo dibada guux siyaasadeed oo ku qotoma hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland .

Daawo Cabdi Waran-jaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST