Dr Faroole oo jawaab kulul ka baxshay in la furo Dastuurka PUNTLAND

Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Faroole oo gacanta ku sita nuqul ka mid ah dastuurka PUNTLAND ayaa hadal uu maanta ka jeediyay munaasabadii furitaanka dhismaha cusub ee Wasaarada Maaliyadda PUNTLAND wuxuu  si adag uga hadlay in la furo baarlamanka Puntland  iyadoo la wado qorshe lagu doonayo qancinta tabashada qaar ka mid ah beelaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole ayaa beeniyay in horey wax looga bedelay qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, wuxuuna jawaab kulul ka bixiyay hadal uu maalintii shalay ka jeediyay shir Issimada uga furmay Garowe Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Dhinaca kale Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dastuurka Puntland uusan ku dhisnayn qabiil balse uu ku dhisan yahay nidaam deegaan ama degmooyin, wuxuuna ugu baaqay madaxda Xukuumadda Puntland iyo Odoyaasha qaabil la sheegay inay tabasho ka muujinayaan tirada ay ku leeyihiin kuraasta Xildhibaanada Puntland inay ka waantoobaan arrintaas.

Hadalka uu maanta jeediyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole waxay rumaysan yihiin dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda mid wax badan ka bedeli doona qorshe la tuhunsan yahay inay ka dambeeyo arrimo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu furo tirada baarlamanka Puntland.

Daawo hadalka Dr Faroole

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST