Xildhibaan dhaliilay fashil ku yimid kordhinta Barlamanka Puntland

Xildhibaan Nuux Dheere oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Puntland ee laga soo doortey Gobolka Nugaal ayaa muuqaal yar oo laga soo duubay wuxuu muujinayaa khudbad xasaasiya oo uu ka jeedinayo Xildhibaanku shir beeleed ay goobjoog u ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland oo maalin ka hor ka qabsoomay magaalada Garowe.

Nuux Dheere oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa ayaa sida la rumaysan yahay bilihii u dambeeyay ka mid ahaa rag fara-ku tiris ah oo horboodaya olole ku saabsan kordhinta tirada kuraasta Baarlamanka Puntland.

Dadka qaar si dhaw ula socda arrintan ayaa ku eedeynaya Xildhibaan Nuux Dheere inuu dadaal ugu jiro qorshe uu kaga gaashaamanayo sii joogista kursigiisa Xildhibaanimo oo sida la rumaysan yahay kaga eg mudada xil hayntiisu marka la gaaro sanadka 2019 .

Tiro ka badan 60 Xildhibaan ayaa todobaadyo ka hor saxiixay inaan la faro galin karin arrimo ku saabsan dastuurka Puntland,Waana tan dhabar jabka ku keentay qorshaha fashilmay oo uu dhaliilayo Xildhibaan Nuux Dheere..

Daawo Khudbada uu jeedinayo Xildhibaan Nuux Dheere.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST