Beesha Leelkase iyo Issimadda Puntland oo shir uga furmay Garowe

Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir u dhaxeeya Issimadda Puntland iyo Beesha Leelkase Tanade Daarood, Wuxuuna ku saabsan yahay shirku xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Gollaha Wakiiladda Puntland.

Shirkaan oo lagu wado inuu socon doono maalmaha soo socda waxaa ka qeybgalay ilaa 16 Issim oo ay ka mid yihiin Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Cuqaal kale oo ka mid ah Issimaddii Asaasay 18 sano ka hor maamulka Puntland.

Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan Issimadda iyo Beeshu uga wada hadlayaan tabashada Beesha Tanade ee Gollaha Wakiilada Puntland islamarkaana gabagabada shirka ay warbaahinta la wadaagi doonaan go,aamada kazoo baxa.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa horey uga codsadey Gudoonka Baarlamanka in la kordhiyo tirada Xildhibaanada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.