Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka furay Shirka Isimada Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka reer Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in loobaahan yahay in dawladdu sanadkiiba mar isugu yeedho isimada, si ay uga arrin sadaan xaaladda dalka,  fekerna ugu darsadaan masiirka wadaninimo iyo kan horumarineedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Isimada xasuusiyey  in aasaaskii Puntland iyo  jiritaanka Puntlandba ay u ahaayeen hormuud, isla markaana ay weligood u ahaan doonaan, loona baahan yahay inay gartaan Isimadu musuuliyadda waaraysa ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba.

” Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey shacabka Puntland in maanta horumar lixaadle ka socdo dhammaan degaanada Puntland, kaasi oo salka ku haya kabidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in horumarku leeyahay wanaag iyo farxad, dhanka kalena uu leeyahay cadaw badan oo ka xun horumarkaaga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998-dii maadaama ay wax walba oo bini aadan samaysto u baahan yahay bid u cusboonaysiin ama dib u eegid, sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin beesha Tanade Darood jiraanka Puntland ayaa sheegay.

” waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey  ayaa dhankiisa ugu baaqay cid-walba oo ay khusayso Tabashadani inay si hagrasho la’aan ah wax uga qabtaan, Isimo, Xukuumadd iyo Golaha Wakiiladda dawladda Puntland oo ay iyaga si gaara u khusayso, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka ku dheeraaday muhiimadda gaar ka ah ee ay beeshani u leeyihiin Puntland jiritaankeedda.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay in tabashada beesha Tanade ee Golaha Wakiiladda dawladda Puntland ay tahay mid dhab ah, loona baahan yahay in looga jawaabo Tabashadaasi si dhab ah oo muuqata.

” Anigu ka Madaxweyne ahaan waxaan aamin-sanahay in tabashadaasi tahay mid dhaba, Illahay hortii ayaan saas u leeyahay, xaashina ma-qareen isumanakiin yeedheen hadaanan aaminsanayn, laakiin ma’aha wax aniga gacantayda kujira, waxaan rabaa in laga jawaabo, si xaqiiqa oo dhaba aad uga  jawaabtaan, arrinta dastuurka, sidiisaba dastuur waxaa inaga inoo ah diinteena islaamka ( kitaab keena iyo sunadda Nebigeena Maxamed ”SCW” ), markaan ka hadalo datuurka aan qoranay, dastuur sidiisaba markay dawladdi dhigato waxaa la yiraahdaa  waa document nool (Living Documentry) maalintii  laqoruu dhintay ma aha, waa soconayaa waxaa la rabaa tariikh kasta iyo jiil kasta amuuraheeda, dhibteedda iyo tabashadeeda inuu ka jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

==DHAMMAAD==                                                                               

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.