Warbixin:- Madaxda Galmudug oo isku khilaafsan, khilaafka Khaliijka

Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa isku khilaafsan, khilaafka wadamada Khaliijka, kadib War-saxaafadeedyo ka soo kala baxay Xafiisyada Madaxda sare ee Maamulkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed  Ducaalle Geelle (Xaaf) kuna taariikheysnaa 19 September sax ahaan shihiisana uu xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Aadan Cusmaan Mesagawaa ayaa lagu taageeray Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta iyagoo loo cugsaday in sababta ay u qaateen go’ankan uu yahay in Sucuudiga iyo Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir Ganacsi.

Dhanka kale War-saxaafadeed ku taariikheysnaa 21 September oo ay soo saareen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal iyo ku xigeenkiisa Maxamed  Maalin ayaa lagu sheegay in War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ay ku arkeen warbaahinta, iyagoo sheegay inaanan lagala tashan golayaasha maamulka Galmudug, sidaas daraadeedna aysan ansax aheyn.

Sidoo kale masuuliyiintan ayaa sheegay in ay la mowqif yihiin Dowladda federaalka ah, ayna dowladda dhexe masuul ka tahay go’aan ka gaarista siyaasadda dibadda.

Intaas kadib Madaxweynaha Galmudug Axmed  Ducaalle Geelle (Xaaf)  oo ku sugan Nairobi Kenya oo hadlay ayaa sheegay in go’aankaas asyan jirin cid uu kala tashaday, isla markaana ay ku jirto danta dadka ku nool deegaanada Galmudug oo xiriir Ganacsi la leh dalalka Khaliijka sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso wax uu ku sheegay faragelin ay ku heyso Galmudug iyo maamulada kale ee dalka.

War hadda naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta Galmudug ayaa isna sheegaya in  maanta uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Madaxweyne (Xaaf) ee uu ku taageeray  xulufada Sacuudiga.

Puntland ayaa ahayd maamulkii ugu horeeyay oo taageero u noqdo xulufada uu hogaamiyo Sucuudigu ee khifaaku kala dhexeeyo Dowladda Qadar waxayna ku taageertay War-saxaafadeed ay soo saartay 16-kii bishii hore August, sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan isna qaatay mid la maid ah go’aankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyana markale ku celiyay in go’aankii dhexdhexaad nimada ahaa ee ay bishii June ka qaadatay khilaafka Khaliijka aysan ka laaban doonin.

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shalay ay ku yeesheen Muqdisho uuna shir-guddoominayay ku-simaha Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa laga soo saaray Afar qodob oo ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta, waxayna kala aheeyeen.

1- Golahu waxey si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017 ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay

2- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu danbeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

3- Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

4- Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Khilaafka u dhexeeya xulufada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameyn ku heeshay Soomaaliya, kadib markii ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay arintaas, balse xulufada Sucuudiga ayaa la sheegay in ay faragalin ku heyso maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya oo ay teegeereen qaar kamid ah.

PUNTLAND POST