Galmudug oo taageertay mowqifkii xulufada Sucuudiga

Maamulka Galmudug ayaa War qoraal ah oo  uu soo saaray ku taageeray mowqifkii ay horay u qaateen xulafada uu hogaamaiyo Sucuudiga, kaas oo xiriirka loogu jaray dowladda Qatar.

Qoraalkan oo ku taariikheysan 19 September ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mxamuud Aadan Cusmaan Mesagawaa, isaga oo sheegay in sababta ay u qaateen go’ankan uu yahay in Sucuudiga iyo Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir Ganacsi.

Go’aanka Galmudug ayaa ku soo aadaya iyadoo horey Puntland iyo Koonfur Galbeed sidaan oo kale taageereen go’aanka xufulada Sucuudiga.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in aysan ka laaban doonin  mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee ay 7-dii June ee sanadkan ka qaadatay arinta Khaliijka.

Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Galmudug

Akhriso qoraalkii  Galmudug

PUNTLAND POST