Puntland oo Mowqif ka Qaadatay Muranka u Dhexeeya Dalalka Sucuudiga iyo Qatar

Garoowe (PP) ─ Maamulka Puntland ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay Go’aansadeen inay la jirsadaan Waddamada Sacuudiga iyo Imaaradka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay warkaan, iyadoo Dowladda Somalia fariin gaar ah loogu diray warbixintan.

“Waxaanu Garowsanay in mushkillada ka taagan Dalalka Khaliijka Carabta aanu xalkeeda dhaweyn, saameyn dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ahna ay ku yeelan karto Somalia, sidaa daraadeedna ay Puntland aaminsantahay in mowqifkeeda uu cadyahay oo ay ku mowqif tahay saaxibadeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa u sababeysay go’aankan in muddo dheer ay iskaashi dhinaca dhaqaalaha, Amniga iyo Horumarinta ah la lahayd Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Puntland ay ku boorrinayso Dowladda Federaalka Somalia inay bedesho mowqifkii dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay murankan.

Ugu dambeyn, qoraalkan ayaa lagu yir; “Haddii aan la beddelin Mowoqfka ay Dowladda Federaalka Somalia ka taagan tahay saameyn fog ayuu ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed.”

PUNTLAND POST