Go’aanadii Isimada Puntland oo ka dhaqan galay Dekadda Bososo

Waxaa saaka si rasmi ah Dekadda magaalada Boosaaso uga dhaqan galay go’aanadii ay Isimada Puntland ka soo saareen murankii u dhexeeyay Dowladda iyo ganacsatada.

Shirkadda P&O Ports ee maamusha Dekadda Boosaaso oo la gaarsiiyay go’aanadaas maalintii Khamiista ayaa qaadatay Tariifadii kumeel gaarka ahayd ee ay Isimada Puntland soo saareen, waxaana hadda si habsami leh u socda shaqada Dekadda oo muddo hakad ku jirtay.

Arbacadii la soo dhaafay Isimada Puntland ayaa soo bandhigay go’aano ay ka gaareen muranka Dekadda Boosaaso ee u dhexeeyay Dawladda iyo ganacsatada, kuwaas oo kala ahaa.

  • In laga wada shaqeeyo nabadgelyada.
  • Dawladdu inay soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso
  • In la taageero Mashaariicda horumarineed ee Puntland
  • In Tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ogaatay in Tariifada kumeel gaar ah ee ay Isimadu soo saareen isbedel weyn lagu sameeyay Tariifadii hore ee dowladu soo saartay, iyadoo ay u dhexeyso farqi kala bar ah.

Dawladda Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekadda magaalada Boasaaso.

Heshiiska waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu usaxiixay Maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo Doolar.

Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dhismaha Dekadda lagu dhamays tiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon doonaa muddo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 Milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku kabtay Kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka Diyaaradaha Garowe iyo Wadda Ceel doohir iyo Ceerigaabo.

Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 Kal fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska Shirgadda DP World ay ku dhisayso Dekadda Boosaaso, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso.

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka Dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Goboka Bari, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadda.

Intaas kadib ganacsatada ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega Dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii Dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas.

Ugu danbeytii waxaa muranka Dowladda iyo ganacsatada soo kala dhexgalay Isimadda Puntland oo ka soo saaray go’aanadii aan kor ku soo sheegnay.

PUNTLAND POST