Geeddi Caano Leh yuusan inoo dhalin Haamo DHiig ah!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Dadka Soomaaliyeed waxay isugu sheekeeyaan inay yihiin dad caqli badan, anigu nafteyda waan rumeysanahay arrinkaas, waxaana filayaa inuu yahay hadal dhab ah oo jira, hasa yeeshee mararka qaarkood ay ka xoog badantahay Qar Iska Xoornimmada qofka Soomaaliga ah!…Waxaa kaloo caqli badnaantaas mararka qaarkood qariya rabitaanka qofka oo gaara heer uusan wax kale arkeyn wixii uu rabay mooyee, waana meesha ay maahmaahda Soomaaliyeed ka tiraahdo Nimeey Meeli U Caddahay Meeli Ka Madow!  Marka laga hadlayo dimuqraadiyadda iyo inay dadka ama shacabka ay awoodda leeyihiin dowladnimmaduna iyagu tahay, ma aha in sidii taas loo gaari lahaa loo maro Burbur, iyo DHiigga shacabka oo daata! Balse aan is weyddiinee haddii magaallada Garowe dagaal ka dhaco, oo sidii horay u dhacdayba shacabka lagu laayo, oo la qaxo oo burbur uu dhaco, oo sidaas lagu gaaro doorasho Qof iyo Cod ah ma waxay ka dhigantahay guul iyo horumar la gaaray?!….Madaxweyne Deni wali talada gacantiiseey ku jirtaa, xalkuna ma noqdo mana aha Anigaa Gar Leh ama waa layga gardanyahay, Marka?!…..

Puntland doorasho qof iyo cod ah waxyaabo ka mudan bay baahi u qabtaa, dhankii laga eegaba, sida hadda muuqatana doorasho qof iyo cod ah xataa haddii la jeclaa xaqiiqada taal ee ah in la baro-kaco oo la burburo, oo lays dilo, laguma bedelan karo si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah!…Sida ay sheegayaan xogaha natiijadii labadii dagaal ee Boosaaso iyo Garowe ka dhacay waxaa ku dhintay ilaa sagaashameeyo qof oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamayay! Dagaalladaas dekedda Seylac laguma difaaceyn! Waxaa la sheegaa oo waliba aan anigu rumeysnahay in Xasan SHiikh Maxamuud uu xoolo ku bixinayo inuu dagaalkaas qarxo, laakiin maamulka Puntland iyo qolyaha ay is hayaan dhibaatada aad geysataan Xasan SHiikh looma qabsan doono, lagumana baneeysan karo in dadka iyo dalka dagaal la geliyo, waxaana dhinnacyada is haya ay tahay inay maanka ku hayaan Xasan SHiikh Maxamuud inuusan ahayn qof ay eeddu qabato ama ay damqeyso dhibaatada dadka Soomaaliyeed!.

Guud ahaan xaaladda Puntland ayaa lagu macneyn karaa colaad ay lama huraan tahay inay xabbadu qaraxdo marka la eego sida dhinacyadu u dhaqmayaan, hasa yeeshee wax kasta oo dhaca haddii ay wanaag ku dhammaadaan iyo haddii ay xummaan ku dhammaadaan waxaa dusha u ridanaya waa dowladda, waayo mas’uuliyadda ugu weyn ee dowladda saaran waa ilaalinta amniga iyo nabad gelyada dad-weynaha ama dadka shacabka ah, cidda la rabo khatarta markaas taagan inay shacabka si nabad ah uga gudbiso waa dowladda! Mana jirto arrin intaas ka weyn oo dowladda uga muhiimsanaan karta ammaanka nafta iyo hantida dad-weynaha, taasi macnaheeda ma aha in dhinaca kale uusan xil ka saarneyn amniga shacabka, iyadoo waliba mar kasta ay iyagu yihiin dhinaca lagu eedeynayo kuwa bilaabaya dagaalka. Waxaa iyagana aan kaalintii laga rabay ka soo bixin murashaxiinta kale, xisbiyada, iyo siyaasiyiin magac ku leh gobolka, oo aan innaba ha yaraatee wax xil ah iska saarin nabadeynta iyo wax ka qabashada xiisadda colaadeed ee dul hoganeysa Puntland.

Waxyaabaha dhaqanka siyaasadda ku cusub waxaa ka mid ah in labada dhinac ay si cad oo bareer ah isugu hub urursanayaan iyagoo aan mar keliya midkoodna midka kale talo iyo wada hadal ku dayin!… waxaa taas ka daran labada dhinac inaysan midna ka muuqan wax dhiilo ah oo uu ka qabo dhibaatada ay wajahayaan dadka shacabka ah iyo qaxa iyo bara kaca ka socda magaallada Garowe! Arrintaas waa astaan aad u xun oo wallaaceeda leh, waana astaan loo baahanyahay inay shacabka arkaan ayna fahmaan xil-kasnimo darrada jirta baaxadda ay leedahay! Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah ceeb ugu tahay madaxda maamulka iyo hay’adaha amniga Puntland oo aan iyagu haba yaraatee dad-weynaha aan wax xog ah ama diginiin ah ka siinin khatarta jirta inta ay la egtahay iyo talooyin la xiriira ammaankooda, waxaana labada dhinac ka muuqanaysa mas’uuliyad daro, xil-kasnimo yari, iyo inaysan wax dan ah labadaba ka lahayn dhibaato kasta oo shacabka soo gaarta.

Waxaa iyadana xusid mudan, in aamusnaanta iyo is dhego tirka maamulka Puntland ay ka dhalatay xiisad shacabkii dhexdiisa ka aloosantay, maadaama ay dad shacab ah oo aan xil kas ahayn ay noqotay in mid kasta sidii uu jeclaa dad-weynaha wax ugu sheego ama uu talo u siiyo, iyadoo qaarkood ay leeyihiin ha la qaxo! Kuwa kale ay leeyihiin wax baan dilaynaa!…intaas oo dhanna aysan maamulka waxba u sheegin shacabka jahadii laga wareeriyay, waxayna ku wanaagsanaan lahayd in arrimaha la xiriira ammaankooda iyo badbaadada si maalinle ah loogu war geliyo ama talo looga siiyo…DHanka kalana, waxaa shacabka naftiisa waajib ku ah inay diyaarsadaan waxyaabaha gargaarka degdegga ah, iyo inay hay’adaha caafimaadka ay diyaariyaan xarumo ku baahsan magaallada oo loogu talo galay in meel kasta oo magaallada ka mid ah si dhaqso ah oo fudud loo gaarsiiyo gargaarka degdegga marka loo baahdo.

Golaha SHacabka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa isagana u muuqda inuusan kaalintiisii qaadan, iyadoo dhinaca kalana uu shaki weyn ka dhashay cabashada ay soo jeediyeen guddigii xildhibaannada ahaa ee loo xil saaray xeerkii doorashooyinka, kuwaasoo siday sheegeen xeerkii ay soo diyaariyeen inta la tuuray iyaga oo aan waxba loo sheegin la yiri kalsoonidii waa lagala noqday, middaa oo iyada laf ahaanteeda abuuri karta tuhun iyo madmadow hor leh, waxaana guddigaas oo ka koobnaa 11 xubnood, oo guddoomiye uu u ahaa Saadiq Garaad Abshir ay sheegeen inay go’aankooda ku saleeyeen baaritaan iyo talooyin ay ka soo ururiyeen qaybaha kala duwan ee dadka Puntland, waxay kaloo si faahfaahsan u bayaamiyeen in talo soo jeedintoodii uu guddoonka qariyay, middaas oo iyadana ah arrin kor u qaadeysa ama xoojineysa in wax ka jiraan cabashooyinka ay qabaan guud ahaan mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxaa hor yaala arrin, runtii, sida ay xal uga gaarto uu noqon doono midka salka u noqon doona aayaha iyo mustaqbalka Puntland, uma jeedno inaan xal waafi ah la gaari kareyn, mana aha inaysan Puntland lahayn kartidii ay kaga gudbi lahayd khilaafka, waxaana madaxdeeda iyo siyaasiyiinteeda dhaqan u ahaa inay qiimeeyaan xaaladaha uu guud ahaan dalka ku suganyahay iyo in dhibaatooyinka jiraa looga gudbo midnimmo iyo wada jir. Waxaa iyadana in maanka lagu hayo ay tahay in dhibaatada Puntland ku dhacda ay run ahaantii dib u dhac weyn ku tahay guud ahaan dalka, isla markaasna ay ka dhalan karaan dhibaatooyin soo gaara qaybo kale oo ka mid ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya aan guurno Geeddi Caano Leh Hasa Yeeshee  Yuusan Inoo DHalin Haamo DHiig Ah!….