Gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka hadlay mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay joojin doonaan mooshinkaasi ay wadaan xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in Xukuumada Kheyre uu waqtigeedu aad u koobanyahay islamarkaasina aanay hadda habooneeyn in mooshin laga soo gudbiyo.
Waxaana uu ku baaqay in la joojiyo mooshinkaasi Xukuumada laga soo gudbiyay haddana aanu aheyn mid munaasab ah.
Dhanka kale Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyay shirkii golaha wasiirada ee ka dhacay markii ugu horeeysay meel ka baxsan Muqdisho waxaana uu sheegay in tilaabadaasi ay tahay mid wanaagsan kuna baaqay in la sii joogteeyo.
Hoos ka dhageyso Codka .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
puntland Post Muqdisho