Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo ku jiro Baashe Yuusuf Axmed ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika (EACJ).
Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika oo qabatay dacwadda loo gudbiyay ayaa dowladda Soomaaliya u qabatay in ay 45 cisho gudahood uga soo jawaabto dacwadda oo la xiriirta in la farageliyay go’aannada Maxkamadda Sare iyo madaxbannaanida garsoorka.
Garsoorayaashan ayaa dhawaan sharci darro ku tilmaantay go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka uga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, iyaga oo sidoo kale sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlmaanka uu xilku ka dhamaaday.

PUNTLAND POST
