PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2027

Share

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo sabti ah meelmariyay miisaaniyadda dowladda ee 2027 oo maalmo ka hor loo soo gudbiyay, kaddib markii ay dhawaan soo ansixiyeen golaha xukuumadda.

Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 43 mudane, waxaa ansixinta miisaaniyadda oggolaaday 38 xildibaan, hal mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay afar mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka 2027 ayaa dhan $308,213,973 (Saddex Boqol iyo Sideed Milyan, Labo boqol saddex iyo toban kun, Sagaal boqol todobaadan Saddex Doollar) ayaa dhaqangelaysa 1-da Jannaayo 2027, islamarkaana waxay ku egtahay 31-da Diseembar 2027.

Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka 2027 waxay hoos u dhacday $7,569,371 oo u dhiganta 2.4% marka la barbardhigo miisaaniyaddii hore ee 2026 oo dhamayd $315,783,344.

Miisaaniyadda dowladda Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay hoos u dhacaysay, taas oo loo aanaynayo deeqihii caalamka oo qaarkood istaageen iyo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Federaalka oo saameeyay mashaariicda horumarineed.

PUNTLAND POST