PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland oo cambaareeyay go’aanka Garoowe looga mamnuucay shirarka siyaasadeed

Share

Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa cambaareeyay warqad ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Foodcadde), taas oo lagu mamnuucay shirarka siyaasadeed ee mucaaradka.

Golaha oo war-saxaafadeed soo saaray waxay go’aankaas ku tilmaameen mid sharci darro ah oo ka hor imanaya dastuurka Puntland iyo xeerarka caalamiga ah, islamarkaana lid iyo hanjab ku ah hannaanka dimuqraadiyadda ee muwaadiniintu muddada dheer ku taamayeen.

Golaha ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Puntland in ay guddoomiyaha gobolka Nugaal wax ka weydiiyaan ku xadgudubka xuquuqda dastuurku siiyay muwaadiniinta, uuna mutaysto xilka qaadis.

Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka waxay ugu baaqeen shacabka Puntland in ay ilaashadaan xuquuqaha uu siiyay dastuurka.

PUNTLAND POST