PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Video article Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay xaaladda Soomaaliya

Share

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay Soomaaliya qarka u saaran tahay in ay burburto oo kala tagto, isaga oo ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu talada dhulka dhigo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday dekedda Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in aan talo la isugu tagi kairn Muqdisho oo la is aamini karin, islamarkaana gogosha madaxweyne XasanSheekh tahay mid aan suurtagal ahayn.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay soo farageliyaan xaaladda Soomaaliya, haddii kale ay saameyn doono amniga Gacanka Cadmeed iyo gobolka Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST