Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xalay xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah mashaariicda dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada iyo qalabka dekedda Kismaayo, kuwaas oo ay hirgeliyay shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group).
Xarig ka jarkan ayaa yimid, xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalin ka hor sheegay in dowladda Imaaraadka ay maamullada Puntland, Jubaland iyo Somaliland la gashay heshiisyo ku saabsan dekedaha Boosaaso, Kismaayo iyo Berbera, kuwaas oo aan laga tashan dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Mashaariicdan laga xarig jaray dekedda Kismaayo ayaa la sheegay in ay yihiin wajiga koowaad ee qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda Kismaayo, kaas oo looga golleeyahay in dekedda laga dhigo xarun ganacsi oo casri ah, korna loo qaado awooddeeda shaqo, tayada adeegyada iyo kaalinta ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha Jubaland.
Sidoo kale, madaxweynaha Jubaland ayaa daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee dekedda Kismaayo, kuwaas oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameeyay, si loo dardargeliyo howlaha shaqo, kor loogu qaado hufnaanta maamulka iyo tayada adeegyada ay dekeddu u qabato ganacsatada iyo bulshada.
Intii ay munaasabaddu socotay, madaxweynaha Jubaland ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda, kuwaas oo la wadaagay qorshayaasha iyo wajiyada xiga ee mashaariicda horumarineed, iyo tallaabooyinka loo qorsheeyay sii ballaarinta iyo casriyeynta kaabeyaasha dekedda.
Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland, mas’uuliyiinta iyo maamulka dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda, iyo howlwadeennada kala duwan ee dekedda Kismaayo.
Hirgelinta wajigan koowaad ee dhismaha dekedda Kismaayo ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada Jubaland ay ku xoojinayso horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga, iyadoo dekedda Kismaayo ay door muhiim ah ku leedahay isku xirka ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
PUNTLAND POST
