PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Mucaaradka Puntland oo ka horyimid go’aanka Foodcadde

Share

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka uu guddoomiyaha gobolka Nugaal ku mamnuucay shirarka siyaasadeed ee oggolaanshaha ka haysan dowladda.

Cali Xaaji ayaa go’aanka guddoomiye Foodcadde ku tilmaamay mid ka hor-imanaya dastuurka Puntland, xuquuqda muwaadinka iyo xorriyadda isu-tagga & bannaanbaxa.

“Guddoomiye C/qaadir Cismaan Foodcadde shir-siyaasadeed lama qaban karo & Puntland waa dimoqraadiyad bal adigu is-qabadsii?Guddoomiye ma akhridey Dastuurka Puntland, xuquuqda muwaadinka iyo xorriyadda isu-tagga & bannaanbaxa? Qoraalkan waa nasiib-darro” ayuu yiri Cali Xaaji oo ka gacankiisa X, kaga falceliyay warqada guddoomiye Foodcadde.

Puntland waxay go’aankan oo hore uga soo saartay gobollada Mudug iyo Karkaar, balse kan guddoomiye Foodcadde ayaa saameynaya xarunta siyaasadda Puntland ee Garoowe.

PUNTLAND POST