PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Dowladda Federaalka oo baaq u dirtay Imaaraadka

Share

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dowladda Imaaraadka Carabta in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay si toos ah ula yeelato dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqaysaa in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah”.

“Cabashada Soomaaliya waxay si gaar ah ugu saabsan tahay siyaasadaha Dowladda Imaaraadka Carabta, mana ahan xiriir saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka” ayaa la raaciyay.

Baaqa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa yimid, xilli uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh eedeymo u jeediyay dowladda Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST