PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku weeraray deegaan ka tirsan gobolka Bari

Share

Wararka ka imanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay saaka hoobiyeyaal ku weerareen ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmadow.

Lama soo warin wax khasaare oo ka dhashay weerarkaas, iyada oo la sheegay in ciidamada Puntland ee deegaankaas saldhigga ku leh ay baaxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale dhawaan weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday ku qaaday deegaanka Galgala ee gobolka Bari, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weeararada Al-shabaab ayaa yimid, xilli Puntland sheegtay in ay isku diyaarinayso howlgal loogu magacdaray Onkod oo lagula dagaalamayo ururkaas, kaas oo la filayo in uu dhawaan ka bilowdo buuraleyda Calmadow.

Tan iyo sanadkii 2010-kii oo uu si rasmi ah u bilowday dagaalka ay isaga soo horjeedaan Puntland iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab waxaa deegaannada Calmadow ka dhacayay dagaallo goosgoos ah oo sababay khasaare naf iyo hantiba leh.

PUNTLAND POST