Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliya ahaana taliyihii howlaha gaarka Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa maanta iska casilay xilkii uu hayay, isaga oo ku biiray mucaaradka ka soo horjeeda dowladda.
Gen. Cabdalla Cabdalla oo bayaan soo saaray ayaa ku sheegay sababta uu isku casilay afar qodob oo uu eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo kala ah; amniga dalka oo khatar ku jira, caddaalad darro, ku-takri-fal awoodeed & musuqmaasuq iyo awood ciidan oo is sharci darro ah loogu adeegsaday burburin, barakicin & dano siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in uu muddo madaxda dalka ka sugayay in ay xalliyaan tabashooyinka jira, balse markii uu quustay uu go’aansaday in uu ku biiro dadka ka soo horjeeda dowladda.
Gen. Cabdalla oo sheegay in uu muddo 18 sano ah uu dhex jiray amniga dalka, ka horna ahaa macallin jamaaceed ayaa xusay in hadda darajooyinka Ciidanka Booliska Soomaaliya lagu bixiyo musuqmaasuq iyo qaraabo-kiil.
Taliyaha is casilay wuxuu dhwaan sheegay in bixitaanka ciidanka Uganda uu keeni doono firaaq amni iyo khatar gelin amniga caasimadda Muqdisho, isaga oo intaas ku daray in ciidanka xoogga dalka aan loo diyaarin in ay gutaan waajibaadka difaaca dalka.
PUNTLAND POST
