Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidanka milatariga Turkiga Gen. Selçuk Bayraktaroğlu, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, gaar ahaan iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay Villa Somalia.
“Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee qotadadheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah” ayaa lagu bayaanka.
Turkiga waxaa lagu eedeeyaa in diyaaradiisa F-16 iyo kuwa iska wada ee drones-ka loo adeegsaday duqeymo loo gaystay shacab iyo dad ka aragti duwan dowladda federaalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa heshiisyo badan la galay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas ka mid yihiin shidaal baaris, kalluumeysi iyo xarunta dayac-gacmeed, isaga oo dhawaan sheegay in uu Soomaaliya u soo diray maraakiib kalluumeysi iyo kuwa dagaal.
Puntland, Jubaland ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiisyada shidaalka iyo kalluumaysiga ee dowladda federaalka la gashay Turkiga, iyaga oo ku dooda in aan lagala tashan heshiisyadaas oo ay yihiin sharci darro.
PUNTLAND POST
