NUWACO oo ceelkii ugu dheeraa Somalia ka hirgalisay Gobolka Nugaal

Shirkadda Biyaha ee NUWACO ayaa ku guulaysatey inay ka qodo deegaanka Xaarxaarka oo ka tirsan Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ceelkii ugu dheeraa dalka Somalia, Waxaana dherarkiisu dhan yahay ceelkan sida lagu qiyaasay 440 mitir oo ku dhaw masaafo nus kiilo mitir ah oo hoos ah.

Hirgalinta ceelkan oo ay soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee shacabka Deegaankaas oo isugu jira dadka degan xaarxaarka iyo kuwa ku xiran ee miyiga  waxaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu daahfurey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland, Maamulka Shirkadda NUWACO, PSAWEN iyo Marti sharaf kale, wuxuuna ka mid noqonayaa ceelkani kuwii  ugu dhaadheeraa oo lagu qado mashruuca ceelasha oo uu ku deeqay bangiga islaamka.

Waxaa inticaafsan doona ceelkan kumanaan dad iyo duunyo ah, Waana ceelkii 6aad oo muddo sanad gudihiis ah  shirkadda NUWACO ka qado deegaanada Puntland,Iyadoona ka hirgalisay ceelashii ka horeeyay deegaanada kala ah Tuulo Jalam,Karinkafood,Dandan,Xadhadhanka iyo Garowe.

Waxaana ceelashaan oo sida muuqata NUWACO ka hirgalisay Gobollada Nugaal, Sool iyo Cayn ayaa kaalin weyn ka qaatay hoos u dhiga biyo yaraan laga baqayay abaartii dhawaan ku dhufatey Dalka Somalia ee SIMA.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST