Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL) 40aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

ali1
Qabqablayaashii Muqdisho iyo SHariif Xasan markii ay Safaaradda Maraykanka la heshiiyeen dowladdii ay ahaayeen waxaa kala weynaaday in Maraykanka uu shaqo siiyay,  waxay ahayd khyaano qaran, runtii waxay ahayd khayaano qaran…. laakiin yaa dhihi karayay, meel xun baa la gaaray mana aqaan goor inta wax la garto laga baxayo, meel xun oo qaranimo ka fog baa la gaaray, qofka haddaad dhaliishiisa tusto ama aad ummadda tiraahdo diida waxa uu hebel wado idinkuma sama isla markiiba wuxuu noqon adigoo beeshiisii wax ka sheegay….lama yaabin khayaannada intaas la eg labo sababood aawgood; waa marka horee Qabqablayaashii dalkii oo dhan bay soo burburiyeen waana laga aamusay oo cid ku eedeyn karaysay ma jirin oo waa ku tanaadeen, midda labaad kuwii wax bartay oo aqoonta la bidayay baa u tartamayay si ay jago u helaan, oo maxay rabaan?!… ma rabaan inay dadka iyo dalka ugu adeegaan ee waxay rabaan inay nin asaaggood ah oo dalkiisa u adeegaya ay ku bartaan, oo ay kula saaxiibaan, oo ay ku shaxaadaan, oo sidaas isaga ugu shaqeeyaan iyagoo waziiro ah ama ra’iisal wazaare ah! Inkaar…..yaa?! Nin dhallin yaro ah oo dal iyo dad ay mas’uul ka dhigteen…meel bay wax ka maqanyihiin…. meel bay la’yihiin!… shirka waxaa imanayay niman qurbo joog ah oo Professors, Doctors, magacaad doonto sheeg laakiin waxay raadinayeen badankood xil ay Soomaaliya ka qabtaan oo ay dal kale ugu adeegaan!

 

Qabqablayaasha iyo Af-hayeenkii waxay bilaabeen diyaar garow si ay u guuraan, go’aan ay ku faraxsanyihiin bay gaareen, malaha waxay dareemeen qorshayaal ay ku fekerayeen inay taageero uga helayaan Maraykanka! Malaha waxay dareemeen in IGAD iyo Midowga Afrika aysan taageerrada Marykanka la’aanteed waxba ka qaadayn, malaha waxayba haysteen heshiis ah inay iyaga dowlad yihiin tan hadda la dhisayna aysan aqoonsanayn dowladda Maraykanka sidaas daraadeena aysan dowlad noqonayn, malaha waxaa loo sheegay balan qaad ha cabsanina anigaa idinla jiree!….lakiin maxay tuureen oo ay halmaameen inay iyag laf ahaantooda dowlad la siman qaynuun ahaan tan Maraykanka waziiro u yihiin, in dalkoodii burburay (iyaga gacmahooda ku burburay) ay u dhaarteen inay dib u dhisaan! Waxay tuureen oo aysan dan ka gelin inay shacabkoodii ay dumiyeen rajada uu leeyahay ay tahay in la fuliyo heshiiskii ay gaareen dhinacyadii dowladda Mbagathi ku wada dhistay……SHacab waligiis dulmanaa, dulmigana aan isaga hiilin, dabeecaddaasna siyaasiyiintu ku barteen!

 

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi, wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu Max’ed Cumar DHalxa u guddoomiyay shirkii barlamanka waxay garowsadeen in SHariif Xasan, Af-Hayeenka uu kala saftay Qabqablayaashii Muqdisho oo uu la qabo waxay iyagu qabaan, waxay kaloo tuhmayeen sida caadada ahayd amalagu bartay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya in gacan shisheeye aysan ka marnayn sided SHariif Xasan SHiikh u dhaqmayo, hasa ahaatee tuhunka inta abdan waxay ka qabeen dhinaca dowladaha Carabta iyo Djibouti. Way ogaayeen in dowladda Maraykanaka aysan iyaga dowlad u aqoonsanayn ama ay ka shakisantahay xiriirkooda oo ay wali ay jiraan sababo aysan u aamini karin haba ugu horeyso in Cabdullaahi Yuusuf uu ahaa askari wali ku nool riyadii ahayd Soomaali-Weyn iyo wadaniyad, sidaasoo kale Geeddi uu isna yahay  nin ku soo barbaaray dhaqankii Soomaalinimmada iyo wadaniyadda, sidaas aawadeed haddii ay dowlad noqdaan ay horseedayso in dalku dib ugu noqdo siyaasadihii ay horay isugu af garan waayeen dalalka deriska ah iyo reer galbeedka.

 

Waxaa iyadana arrin in la xuso mudan ah in dowladda dhisanatay ay  isla markiiba iska fogeysay inay wax xiriir ah la yeelato dowladda Eritrea iaydoo taas ku raali gelinaysa Maraykanka oo ay ka rajaynaysay in haddii ay fogeyaan Eritrea ay suuro gal noqonayso inuu wax un xiriir ah dhex maro, waxay sidaasoo kale rajaynayeen in xubnaha kale ee IGAD ay taas kaga helayaan taageero dheeri ah siiba Itoobiya oo iyadu ahayd dalka keliya ee laga cabsi qabay inuu dowlad kasta oo Soomaaliyeed ka hor imaan doono, ama isku diri doono ama u samayn doono koox ka soo hor jeesata oo hubka u qaadata……hasa yeeshee, rajadaas waxba kama soo naasa- caddaan.

 

Qabqablayaashii Muqdisho iyo SHariif Xasan waxay bilaabeen inay si tartiib-tartiib ah u guuraan iyaga iyo xil-dhibaannadii la socday, dhowr jeer oo kala duwan bay guureen iyagoo Muqdisho beegsanaya, isla markiina waxay bilaaben inay xukuumadda Cali Max’ed Geeddi iyo madax-weynaha ugu yeeraan inay si dhaqso ah Muqdisho u yimaadaan….waxayna dhowr jeer kala duwan sheegeen in xeerka cahdiga uu qorayo in madax-qweynaha iyo xukuummadda aysan degi karin meel ka baxsan caasimadda isla mar ahaantaasna haddii ay ka maqnaadaan wax ka badan 90 maalmood ay sida uu qabo cahdiga dhacayaan!…..laakiin arrintaas waxay ahayd mid adag inay suuro gasho sababtoo ah waxay u ekeyd in labada dhinac uusan midna haysan tiro ku filan si uu dhinaca kale cod ugu qaado, waxaana run ahaantii la oran karaa in kastoo labada dhinac midna tiro sugan oo uu hubo sheegi waayay inay badnaayeen xubnaha xil-dhibaannadii la socday madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha.

 

Ilaa iyo waqtigaas oo la soo gaaray inay dowladdii dalka ku laabato wali ma jirin wax ciidan oo dowladda lagu caawiyay, waxaana si qarsoodi ah madax-weynaha Cabdullaahi Yuusuf, iyo Cali Max’ed Geeddi, iyo maamulkii Puntland iyo max’ed Dheere ay ka wada shaqeeyeen in ciidamo Puntland laga soo qaaday lana dejiyo magaallada Jawhar, in kastoo wali qorshihii Jawhar lagu degi lahaa uusan dhamays tirnayn laakiin la hadal hayay…..dowladda Kenya dhowr jeer  xilli markaas ka horeeyay baa xubno ka mid ah xizbiyada mucaaradka ah iyo xubno ka mid ah dowladda labaduba dalbbadeen in dowladda Soomaaliya ay dalkeedii u guurto, waxayna Kenya waqtiyadaassheegatay in dowlad ahaa ay iyadu shirkii Mbagathi ku bixisay lacag gaaraysa 63milion oo dollar……

Beri la soco…. 

PUNTLAND POST