Muqdisho oo lagu qabtay gaari qarax sida oo lagu weerari lahaa mid ka mida Hotelada Muqdisho

Ciidanka nabad sugida Dowlada Federaal Soomaaliyeed ee (NISA ) qeebtooda Gobalka Banaadir ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiye waxyaabaha qarxa.

Afyaheenka maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay  in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo ruuxi waday  islamarkaana Ciidanku hada Gacanta ku hayaan

Xalane ayaa istaas waxa uu  raaciye in gaarigaan lala Damacsanaa in lagu Weraro Hotel Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho islamrkaana Ciidanku ay hayeeen xogta gaarigan  in gacanta lagu dhigo ay sahayshay Xogtaas

Laamaha amniga Dowlada Federaalka  Soomaaliya ayaa Maalmihi ugu danbeeye dadaalo dheer ugu Jira sidi ay u xaqiijin lahaayeen amniga magaalada Muqdisho.

Siciid Xasan
PUNTLAND POST
Muqdisho-So