London-(Puntland Post) Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron ayaa bilaabaya maalintiisii ugu danbaysay ee shaqada kadib markii lix sano uu xilkaasi hayay.
Mr Cameron ayaa wajahaya maanta su’aalaha ugu dambeeya ee la weydiinayo inta xilkaasi uu hayo, ka hor inta uusan istiqaaladiisa u gudbin boqortooyada ee Buckingham Palace, wuxuuna sii wadi doona shaqadiisa xildhibaanimo ee baarlamaanka Britain.
Mr Cameron ayaa Ra’iisul wasaaraha Britain ahaa tan iyo 2010kii, wuxuuna go’aansaday inuu iscasilo markii aftidii Britain looga guuleystay oo dadka ay u codeeyeen ka bixida Midowga Yurub..
Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go’aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.
PUNTLAND POST