Hogaamiyaha maleeshiyada Al-shabaab Axmed Cumar (abu Cubeyda) ayaa marki ugu horeysay tan iyo marki loo magacaabay hogaanka Argagixisada ee Al-shabaab soo duubay fariin cod ah.
Abu cubeyda oo noqday hoogaamiyaha maleeshiyada Al-shabaab Ka dib markii diyaaradaha Mareykanka duqeyn ay sameeyeen sanadkii 2014 ku dileen Axmed Cabdi Godane oo ahaa hogaan kii hore ee maleeshiyadaas.
Fariintan oo dhinacyo badan tabaneysa ayaa hogaamiyuhu maleeshiya Al-shabaab wuxuu uga hadlay arimo dhowr ah o ay ka miid yihiin dagaalka ay Dowlada Kula jiraan, siyaasada Turkiga ee Soomaaliya Ciidamada Amisom, iyo arimaha Maamul Gobaledyada.
Abu Cubeyda ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaalka Ka socda Soomaaliya waxa uuna sheegay in Dalka la doonayo in la galiyo gumeysi Cusub islamrkaana la donayo in Dalka ay qabsadaan waxa uu ugu Yeeray Cadow si ay u booobaan buu yiri Kheyraada Dalka.
Sido kale hoogaamiyaha maleeshiya Al-shabbab ayaa soo hadal qaaday fargalin uu ku sheegay in Dowlada Turkiga ay ku heyso Dalka ismarkaana buu yiri Turkiga uu qabsaday ilihii dhaqaale ee wadanka uuna doonayo in uu Dadka Soomaaliyeed uu ka dhigo kuwo faqiri iyo Cayrnimo ah Waa sida uu Hadalka u dhigaye.
Dhanka kale abu cubeyda ayaa mar uu soo hadal qaaday Maamulada Dalka laga hirgalinayo waxa uu sheeegay in Maamuladaas ay gadaal ka riixayaan Dowladaha dariska ismarkaana ay ku eg yihiin inta ay Dalka ka baxayaan Ciidamada Shisheeye.
Hogaamiyaha maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidoo kale fariin u diray shacabka Soomaaliyeed waxa uuna si gaar ah ula hadlay ganacsatada, culumada iyo aqoonyahanada isgoona ku boriyey in ay indho gaar ah u yeeshaan gumeysiga cusub ee wadanka ka jira isgoona sidoo kale tilmaamay in dalka uu ka jiro waxa uu ugu Yeeray halgan barakeysan,
Saciid Xasan
Warbaahinta Puntland Post
Muqdisho-So