Magalada Boorama oo horumar kala duwan samaysay sanadihii lasoo dhaafay

Boorama-(Puntland Post) Magalada Boorama oo xarun u ah gobalka Awdal ee Somaliland ayaa sannooyinkii lasoo dhaafay ku tilaab satay horumaro kala duwan oo ay ka mid tahay xagga wadooyinka, dhismayaasha bilicda san,waxbarashada,caafimaadka iyo ganacsiga.

Marka loo eego halka ay magaladu ku taala waa goob wado buuro ah, oo xaafadaha qaarkood ayaa buuraha dushooda saaran, magaladu waxay caan ku tahay buurta soow, Jaamacadda Taariikhiga Camuud oo la dhisay 1952 iyo daaqada oo ah goob magalada dhan laga wado arko markaad ka timaado dhanka koonfurta.

Jaamacadda Camuud oo daruusyo kala duwan bixisa,waxaa ka dhigta ardey faro badan oo ka kala yimi dhulka Soomaalidu degto, waana sababta loogu naaneyso Boorama ”Gobalka waxbarashada”.

Magaladu waxay ka kooban tahay afar xaafadood oo waa weyn kuwaasoo kala ah Shiikh Makaahiil, Shiikh Axmed Salaan, Shiikh Cali Jowhar iyo Shiikh Cismaan, waxaa sidoo kale kusoo badanaya hotelada iyo goobaha ganacsiga gaarka loo lee yahay kuwaasoo qaarkood ay hir galiyeen qurba joogta u dhalatay gobalka oo dib ugu soo laabtay.

Maalmaha Jimaha magalada waxaa dalxiis iyo damaashaad u yimaada dad kala duwan oo kasoo socdaala magaalooyin ay ka mid tahay Hargaysa, dadka dalxiiska u yimaada ayaa badanaa aada Jaamacadda Taariikhiga ah ee Camuud oo ku taala goob aad u qurux badan iyo dhulka seeraha ah (Beero) halkaasoo waqti nasasho ah ay ku qaadaan,
Qaar ka mid ah ardayda wax ka barja Jaamacadda Camuud iyo qurba joogta kusoo laabatay Boorama ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin nolasha degmada iyo is-badalada kala duwan ee ay samaysay.

Booramo oo sii kobcaysa waxay xaduudo la lee dahay Itoobiya, Jabuuti iyo Yaman, waxayna ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha,xoolaha iyo cusbada.
0J1A8256

0J1A8316

0J1A8357

0J1A8364

0J1A8379

0J1A8394

0J1A8403

0J1A8425

0J1A8427

0J1A8450

0J1A8516

0J1A8520

0J1A8523

0J1A8525

0J1A8534

0J1A8541

0J1A8547

0J1A8550

0J1A8564

0J1A8568

0J1A8586

0J1A8613

0J1A8625

0J1A8627

0J1A8638

0J1A8644

0J1A8649

0J1A8685

0J1A8708

0J1A8721

0J1A8741

0J1A8745

0J1A8785

0J1A8789

0J1A8796

0J1A8814

0J1A8823

0J1A8839

0J1A8842

0J1A8859

IMG_7460

IMG_7463

IMG_7485

IMG_7494

IMG_7504

IMG_7512

1
Cali Cabdi Ducale
PUNTLAND POST