Beesha Nuux Muuse oo beenisay bayaan looga been abuur oo la faafiyay

Garowe(PP) Nabaddoonada iyo waxgaradka beesha Nuux Muuse ee Ciise Maxamuud oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa si adag u beeniyay bayaan lagu faafiyay baraha internetka, kaasoo lagu sheegay in beesha ku baaqday in Puntland la badbaadiyo.

Waxaa goobta shirka kulanka ku sugnaa dad badan oo magacyadooda laga been abuurtay oo cadeeyay inaysan waxba kala soconka bayaankaan iyo cida qortay, iyagoo sheegay inay la yaab ku noqotay markii ay maqleen.

Odayaasha iyo waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa dowladda Puntland gaar ahaan wasaaradda amniga ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo cida ka dambeysay bayaan islamarkaana tilaabo sharci ah laga qaado cidii lagu helo.

Beesha waxay cadeeyeen inay waligood ahaayeen dad nabada jecel oo ay ka go’an tahay midnimada iyo jiritaanka Puntland islamarkaana haddii ay wax tabanayaan ay usoo mari lahaayeen dariiq sax ah.

Halkaan ka akhriso bayaanka kasoo baxay beesha Nuux Muuse.

Warqadasssooooooo

_DSC6653

_DSC6654

_DSC6655

_DSC6656

_DSC6657

_DSC6658

_DSC6659

_DSC6661

_DSC6666

_DSC6669

_DSC6673

_DSC6676

_DSC6685

_DSC6687

_DSC6691