Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland iyo dadwayne kale oo dalxiis u aaday EYL

Eyl(Puntland Post) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdi xamiid Shiikh Cabdi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hir galinta shirkadda Dalxiiska iyo deegaanka Magool oo uu hir galiyay gudoomiyihii hore Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey).

Cabdi xamiid Shiikh Cabdi iyo wafdi uu horkacayo oo isigu jira,xildhibaano,xubno ka tirsan gollaha xukumadda iyo siyaasiyiin hore ayaa dadwayne aad u faro badna oo dalxiis u yimi degmada Eyl kala qayb qaatay farxadda munaasibadda ciida.
Waxa uu sheegay masuulkan inuu aad ugu faraxsan yahay shirkadda Magool oo uu ku tilmaamay inay wax baddan oo horumarinta dalka iyo soo bandhiga bilicda Puntland ka qayb qaadanayso, agaasimaha shirkadda Magool ayuu ku ammaanay tilaabada wanaagsan ee uu qaaday.

Masuuliyiin kala duwna oo dowladda ka tirsan gaar ahaan mamulka degmada Eyl ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Eyl ay noqoto goobtii ugu horaysey ee dalxiis loo yimaado lagana hir galiyo xafiiska shirkadda Magool, waxa kale ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin dalxiisayaasha oo ka kala yimi meelo ka baxsan magalada Garowe iney waqti wanaagsan ku qaataan xaruntan.

Qaar ka mid ah dalxiisayaasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in waqti wanaagsan ku qaataan degmada Taariikhiga ah ee Eyl, waxa kale ay cadeeyeen inay tahay arrin lagu farxo in dadka lagu dhiiri galiyo dalkooda inay ku dalxiisaan.

Mamulaha shirkadda dalxiiska Magool Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa sheegay hal ku dhiga sannadkan inuu yahay ku dalxiis dalkaaga, la dal xiis dadkaaga taasoo uu sheegay inuu ula dan lee yahay sidii dadka qurbaha ay waddankooda u imaan lahaayeen, waxa kale uu shacabka ugu baaqay inay xoogga saaraan sidi ay wax soo saarka dalka ugu jeesan lahaayeen inta lagu mashquulsan yahay waxa dibadda ka imaanaya.

Waa markii ugu horaysey Puntland laga hir galiyo shirkad dalxiis masuuliyiin iyo shacab intaasi leegna ay dalxiis ku tagaan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.
13164275_1011786335583775_8867599580991785226_n

13566916_1011784278917314_5301119297218158125_n

13566943_1011784965583912_2076455506531143571_n

13567063_1011786152250460_8133022786351577325_n

13567281_1011784202250655_5489903524399154247_n

13590370_1011784578917284_5508862227333852214_n

13592378_1011784838917258_7921947575847052075_n

13592844_1011785058917236_4773241075257219086_n

13600072_1011786065583802_3873673248999575629_n

13606588_1011785708917171_391690682884706623_n

13606624_1011786008917141_431006832140781688_n

13606970_1011784422250633_2797486020438352259_n

13614923_1011784585583950_7507893768343513327_n

13619856_1011783765584032_4761108176366258435_n

13620354_1011783532250722_7197058033288498106_n

13626395_1011784285583980_7685201792137730042_n

13626520_1011785158917226_3464225821594486022_n

13626530_1011786302250445_8572331194264646382_n

13626601_1011783602250715_3076443130316409356_n

13626631_1011788548916887_2641332012138597748_n

13627015_1011784362250639_3815933601569714009_n

13627172_1011784725583936_2484023676072173954_n

13627241_1011784532250622_5453766658825634828_n

13627241_1011785608917181_7208827991944746406_n

13631453_1011785228917219_3330624059976449531_n

13631495_1011785095583899_2476495627700484708_n

13645098_1011784772250598_3684043342372521474_n

13645200_1011785855583823_6132059435382811674_n
PUNTLAND POST