Ha’yadda Hero oo 150 Carruura ku ciidsiisay Garowe

Hay’adda Haro Xafiiskeeda Soomaali gaar ahaan magaalada Garowe  ayaa Ciidsiisay ilaa 150 Carruur Agooma ah,  waxaana tani Imaanaysaa xili ay Caruurtaan Oo Agooma ah baahi weyn u qabeen siddii ay farxada ciida ula qaadan lahaayeen Carruuraha kale,  Mas’uuliyiinta Hayadda Haro oo goobta ka hadlay ayaa qiray in ay shaqadaan ay tahay mid ay ula jeedaan Eebe dartiis., isla markaana ay ku garab istaagayaan Carruuraha agoontaa kuwaas oo aabahoodna dhintay haysanna cid kale oo garab taagan marka laga reebo hooyadood.

Maxamed Xamari oo kamid ah masuuliyiinta Ha’yadda Hero xafiiska Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey Carruurta la ciidsiiyey iyo Ha’yaddu meelaha kale ee ay Carruurta ku ciidsiisay, waxaa uuna sheegay in Garowe Carruurta ay Ha’yaddu ku ciidsiisay ay ahayeen agoomo islamarkaana ciidsiinta goomaha uu bilaabay allaha u naxariiste Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax,  markii Shiikhu dhintayna ay Ha’yaddu ballan qaaday inay barnaamijkaas iyadu wadayso.

Wuxuu tilmaamay in qurshuhu yahay in la ciidsiiyo Carruurta agoomaha ah oo aan awoodin inay heleen dharka ciida,  150 Carruura ee Garowe lagu ciidsiiyey ayaa munaasabada ciidsiinta loogu qabtay Masjidka Huda ee Garowe.

Sawirro.

thumbs_dsc_0073 thumbs_dsc_0077 thumbs_dsc_0081 thumbs_dsc_0090 thumbs_dsc_0092 thumbs_dsc_0093 thumbs_dsc_0099 thumbs_dsc_0101 thumbs_dsc_0103

PUNTLAND POST.