Jaamacadda Bariga Afrika oo Sagootin u sameesay Arday dhameesay Kuliyadda Caafimaadka gaar ahaan Badbaadinta Hooyada iyo Dhalaanka

Ardaydan oo tiradoodu gaareesay 25 waxaa usoo idlaatay Sanad waxbarasho Kuliyadda Caafimaadka ah gaar ahaan Hooyada iyo Dhalaanka,intay waxbarashada qaadanayeen Dhalinyaradan ayeey si wayn uga faa’iideysteen kalkaalisanimada iyo qaybta Umulisooyinka iyo badbaadinta Hooyada Uurka leh,iyadoo ay maal galisay Mashruucan Hay’ada Sida ee Sweden laga leeyahay, Waxaa casharada Bixineesay Jaamacadda Dalarna ee Isla dalka Sweden marti galintana waxaa iska lahayd Jaamacada Bariga Afrika.

Ardayda 25ka Gaaraya ee Wiilasha iyo gabdhaha isugu jira ayaa balan qaaday in ay isku xirnaan doonaan isla markaana ay samaysan doonaan Urur u ololeeya Ilaalinta Hooyada iyo dhalaanka Isla markaana ay bulshada u qaban doonaan wax yaabihi ay soo barteen, isla markaana ay bixin doonaan tababaro badan oo la xiriira wixi ay soo barteen.

Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika faraca Garoowe sheikh Maxamuud Xaaji yuusuf iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahaa mid si wacan looga faa’iideystay iyadoo ka dalbaday Dowladda Puntland in markale sii socoshada barnaamijkan ay Dalab ahaan ugu Gudbiso Dowladda Sweden si loo badiyo Ardayda Baraneysa Kalkaalisanimada iyo Badbaadinta hooyada iyo Dhalaanka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo Maasha ka hadlay waxay booriyeen Ardayda waxbarashada dhameysatay waxayna guul ku tilmaameen sida wacan ee barnaamijkan uu u hirgalay,waxay Amaaneen jaamacada Bariga afrika Kaalinta ay ku leheed qabsoomida Barnaamijkan waxayna balan qaadeen In aysan ka daali doonin dib u codsashada Barnaamijkan.

Ardayda Waxbarashada heerka 2baad ee Mastarka Dhameysatay Gobolo kala duwanna ka yimi ayaa looga fadhiyaa in Bulshada ay uga faa’iideeyaan waxyaabihi ay soo barteen isla markaana ay sameeyaan Cilmi Baaris ku qotanta halka ay dhibtu ka jirto.

Sawirro.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12
Xafiiska Warbaahinta
EAU Garowe Somalia

PUNTLAND POST