Hargaysa oo si ballaaran looga dareemayo maalmaha u diyaar garowga ciida

Hargaysa(Puntland Post) Magalada Hargaysa xarunta Somaliland ayaa si weyn looga dareemayaa maalmaha ciida, boqlaal qof ay buux dhaafiyeen suuqyada waa weyn ee Hargaysa.

Wariye Cali Cabdi Ducale ayaa maanta booqday suuqa weyn ee Waaheen oo ku dhexyaala bartamaha magalada Hargaysa, halkaasoo ay si ballaaran uga addeegayeen dadwayne isagu jira ragg,dumar iyo carruur.

ciidanka ammaanka ayaa dhinac kasta suuqa ka jooga, kuwaasoo ilaalinaya ammaanka dadka iyo suuqa-ba, sidoo kale waddooninka soo gala iyo kuwa hareeraha ka mara suuqa ayaa waxaa la soo dhoobay gaadiidka dab-damiska kuwwaasoo heegan u ah inay ka hor tagaan dab kasta oo suuqa iyo goobaha kale ee ganacsi ka kaca.

Qaar ka mid ah dadka suuqa ka addeeganayay oo la hadlay Puntland Posty ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin inay halkan usoo addeeg doontaan, waxayna sheegen in ay tani u saamaxday ammaanka iyo kala denbeynta ka jirta Somaliland.

Xilliga habeenkii dhalinyaradda ayaa ku caweysa goobaha la isigu yimaado kuwaasoo markaad aragto aad u camiran, waxaa maalmihii lasoo dhaafay magalada Hargaysa soo gaarayay qurba-joog u dhalatay Somaliland oo doonaya inay farxada maalmaha ciida la qaataan dadkooda dalka ku nool.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20
PUNTLAND POST