Wasaradda Deegaanka Puntland oo soo gaba-gabeysay shirkii looga hadlayay dardar galinta xeer dhaqameedka deegaanka

Garowe(Puntland Post) Wasarada Deegaanka daaqa, duurjoogta iyo dalxiiska Puntland ayaa soo gaba-gabeysey shirkii looga hadlayay dardar galinta xeer dhaqameedka deegaanka, kaasoo kasoo qayb galayaasha shirka ay ka doodeen.

Ka qayb galayaasha shirkan oo ka kala socda haween,dhalinyaro iyo odayaal dhaqameedka ayaa isku raacay in wada-jir looga qayb qaado ilaalinta deegaanka iyo weliba in wasaradda lagala shaqeeyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid walba oo deegaanka iyo duurjoogta dhibaateyneysa.

Wasiiradda waxbarashada,Caafimaadka, Shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiir ku xigeenka beeraha oo kulankan khudbado kala duwan kasoo jeediyay ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin kullankan muhiimka ah ee ay wasaraddu qabatay, waxay ku dheeraadeen muhiimada uu deegaanka u lee yahay noolaha, waxa kale ay ka warameen xiriirka ka dhaxeeya caafimaadka iyo deegaan bad-qaba.

Wasiirka Deegaanka mudane Cali Cabdilaahi Warsame ayaa dhankiisa sheegay inay mar walba ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa horumarinta deegaanka, wuxuu u mahad celiyay dhammaan dadkii kasoo qayb galay iyo hay’adda ADDESO oo barnaamijkan kala shaqaysey.

Dr.Cali Cabdilaahi Warsame ayaa madaxda gobalada Mudug,Sanaag,Haylaan iyo Karkaar gudoonsiiyay shihaadooyin kuwaasoo loogu gartay siday deegaanka iyo duurjoogta u ilaaliyeen.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25
PUNTLAND POST